Madaxwaynihii Jaamacadda Diridhabe oo Xilkii Laga Qaaday

0
602

Diridhabe (Hargeisa Press)- Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday Wasaaradda Tacliinta sare iyo Sayniska ee fadaraalka Itoobiya waxaa xilkii laga qaaday Dr Yared Mamo oo ahaa Madaxwaynihii Jaamacadda Diridhabe.

Lama sheegin waxa sababay xilka qaadistan Madaxwaynihii hore ee Jaamacadda Diridhabe, balse waxaa jiray in si guud looga tallaabo qaadayay maalmahan Arday iyo masuuliyiinta qaar kamid ah Jaamacadaha dalka Itoobiya, kuwaas oo lala xidhiidhinayo dhibaatooyinkii Jaamacadaha ka dhacay.

Jaamacadda Diridhabe ayaa wakhti xaadirkan xidhan oo haba yaraatee ayna Waxbarasho ka socon marka laga reebo 6 Arday oo heerka Master-ka dhigta.

Jaamacadda ayaa waxaa si kumeel gaadh ah Madaxwayne uga sii ahaan doonta Dr. Ubax Adan oo markii hore ahayd ku xigeenka Jaamacadda.

 

Hargeisa Press Desk/Diridhabe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here