Somaliland Oo Mashaariicdii Ugu Badnaa Sanadkan 2020-ka Ka Fulinaysa Sool

0
722

Laascaanood (HP): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sanadkan 2020-ka mashaariicdii horumarineed ee ugu badnaa ay ka hirgelinayso degaamadda gobolka Sool. Kuwaasoo dhaqaale fara badani ku baxayo.

Mashaariicdaasi oo gaadha ilaa 15 mashruuc ayaa isugu jira dhinacyadda waxbarashadda, caafimaadka, ciyaaraha, dhismeyaal garoomo, waddooyin, xafiisyo iyo xarumo dawladeed iyo qaar kale.

Sida uu sheegay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, kadib safar shaqo oo uu muddo todobaad ah ugu maqnaa caasimadda Hargaysa.

Waxaana mashaariicdaasi ka mida mashruuca loo yaqaano JPLG-ga ee isku xidhka dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka, kaasoo magaalooyinka sanadkan lagu daray ay ku jirto magaaladda Laascaanood.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu horayn bulshadda gobolka Sool gaadhsiiyay salaan iyo mahad naq uu uga siday madaxweynaha Somaliland.

Isagoo sheegay in madaxweynuhu ku amaanay bulshadda Sool sidii wanaagsanayd ee ay sanadkii tegay ee 2019-ka uga shaqeeyaan amaanka iyo horumarinta gobolkoodda.

C/qani Jiidhe, ayaa faahfaahin ka bixiyay mashaariicda ugu waaweyn ee ay xukuumadda Somaliland qorshaysay in ay sanadkan ka fuliso gobolka Sool.

Waxa uu yidhi, “Waxyaabaha u soo kordhay gobolkeenan Sool sanadkan 2020-ka, ee mashaariicda ah, oo qaarkood la filayo in ay todobaadkan bilawdaan. Waxaana ka koowaad ah, mashruucii aynu aadka u wada sugaynay, ee qiimaha badnaa, oo dhaqaale badanina ku bixi doono, oo ah mashruuca loo yaqaano JPLG-ga (join program for local governments).

Kaasoo Sabtida (maanta) laga daah-furi doono magaaladdan Laascaanood. Waxaana la isla qaatay in mashruucaasi qaybta goboladda Bariga lagu daah-furo magaaladda Laascaanood”.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxa kaloo ku xiga dugsigii secondary-ga ahaa, ee guriga gobolka, dib-u-habayn ayaa lagu sameeyay, oo sanadkii hore waa la bilaabay in la dhiso. Laakiin, sanadkan waxaa la isla qaatay in gurigii hore ee uu gobolku ka soo guuray in guri caadiya laga dhigo, oo dib loo dumiyo.

Waxaa isna sanadkan la dhamaystirayaa garoonka Kubbadda cagta Laascaanood ee Cabdi Bille Cabdi, oo Tarabuunkiisa iyo wixii ka dhinaa loo dhamaystirayo.

Waxaa isna mashruuc bilaw ah oo laga fulinayo magaaladda Laascaanood, oo ay xukuumadda Somaliland toos u maamulayso  Godka Qashinka oo dhaqaale badani ku baxayo ”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadalka sii watay ayaa sharaxay mashaariicda dhinacyadda waxbarashadda iyo dhismeyaasha xarumaha dawladda ee xukuumadda Somaliland sanadkan ka fulin doonto degaamadda gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaa iyad-na sanadkan la dhamaystirayaa wixii ka dhinaa jaamacadda NUGAAL University ee magaaladda Laascaanood. Xukuumadda Somaliland ayaana balan qaaday, maa daama oo jaamacadu tahay mid dawli ah.

Waxa kaloo isna la bilaabayaa sanadkan 2020-ka, oo qandaraaskiisii la baahiyay, dhimsha Dab-demiska magaaladda Laascaanood. Kaasoo kharashka lagu dhisayo uu ku jiro miisaaniyadda Xukuumadda Somaliland ee sanadkan 2020-ka

Waxay toos dawladda Somaliland ula wareegtay gacan ku hayntiisa iyo maamulkiisaba dugsiga boarding-ka ah ee Laascaanood, oo markii hore hay’addo inaga caawin jireen”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Sidoo kale waxay xukuumadu caawimo toos ah u fidin doontaa cubsitaalka guud ee magaaladda Laascaanood. Iyadoo dhamaanba waxyaabihii ka dhinnaa, haday noqoto agab, dhaqaale iyo wixii kale-ba.

Waxa kaloo dib u habayn lagu samayn doonaa, guriga madaxtooyadda gobolka Sool. Mashaariicdaasi oo dhami, waa kuwo ay xukuumadda Somaliland toos u fulinayso. Higlo-caanood meesha la yidhaahdo in dayrkii loogu darro, iyana dawladu way naga balan qaaday”.

Ugu danbayn badhasaabka ayaa ugu baaqay dhalinyaradda gobolka Sool in ay ka qayb galaan barnaamijka  shaqo qaran oo la filayo in bisha danbe ee February la bilaabo.

“Bulshadda gobolka Sool, gaar ahaana dhalinyaradda waxaan ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan barnaamijka shaqo qaran. Waxaynu og nahay shaqo qaran in sanadkii hore  lagu badhaadhay, oo dad badan oo dhalinaro ah, oo gobolkeenan Sool ah, ay shaqo abuur ku heleen.

Sanadkan 2020-ka bisha inagu soo aadan ayaa la daah-furi doonaa barnaamijka shaqo qaran. Markaa waxaan kula dar-daarmayaa dhalinyaradda gobolkan Sool, sanadka-na in ay ka qayb galaan barnaamijka shaqo qaran”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here