Madaxwaynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxda Iyo Masuuliyiinta Maxjaradda Ka Hawl-Gala Dalka. + SAWIRRO

0
875

 

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiintan iyo madaxdan waxa horkacaayay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha  Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir  (Cukuse), isagoo warbixin ka siiyay madaxwaynaha ujeedda kulanka ay masuuliyiintani ugu yimaadeen madaxwaynaha,  waxana uu sheegay inay tahay, salaan iyo xog kala qaadasho, madaxwaynuhuna  uu u cadeeyo mawqifka xukumadda ee maxjarada iyo wixii kale ee dardaaran ah ee u soo jeedinayo masuuliyiinta.

 

Intaa ka dib,waxaa hadalka la wareegay  madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu si kooban u sharxay mawqifka xukumada  ee maxjarada, isagoo cadeeyay in maxjaradu yihiin xarumo caafimaad  oo loogu  talo galay in lagu daryeelo caafimaadka xoolaha oo ah lafdhabarka dhaqaalaha Dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn marnaba in isku eri iyo wax kala jiidasho  ay ku dhacaan maxjaradu, madaxwaynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “waan idin soo dhawaynayaa, anigoo idinka mahad naqaya kulankan salaanta ah ee aad iigu timaadeen”.

 

Madaxwaynuhu  waxa uu intaas uga gudbay  hadal iskugu jiray  xusuusin iyo amar ku saabsan mawqifka xukumada ee maxjarada dalka waxana uu yidhi “waxaan idin xasuusinayaa in mawqifka xukumaddu uu yahay, marka ay joogto  dhinaca maxjarada, in maxjarada lagu dhaqayo  heshiisyadii ay xukumadda la galeen, wasaaradda xanaanada xooluhuna ay ku ilaaliso heshiiskaa, loona baahan yahay in sidoodii loogu dhaqmo, isagoo madaxwaynuhu amraay wasaaradda xanaanada xoolaha in heshiisyadaas sidoodii ay u dhaqan galaan, maxjaraduna ay heshiiskaa ilaaliyaan, dawladuna ay ku ixtiraami doonto.

 

Dhinacooda waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta  maxjarada oo uu ka mid ahaa Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho), Calinuur Iyo Axmed  Cali , Cabdilaahi Carab Ismaciil , Yaasiin Xaaji Cabdi Cawad (Indho deero) kuwaasoo uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada uu ku qaabilay Xafiiskiisa, isla markaasna balan qaaday inay u hogaansamayaan amarada dawlada iyo heshiisyada u dhexeeya xukumadda iyo maxjarada.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here