Shirkii Cimilada Aduunka Oo Lagu Qabtay Wadanka Jarmalka Oo La soo Gabagabeeyay iyo Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Somaliland Germany oo ka qayb galay + SAWIRRO

0
881

BONN, Germany (HargeisaPress) —Shirkan cimilada aduunka oo ka socday magaalada Bonn ee wadanka Jarmalka maalmihii lasoo dhaafay,ayaa waxaa lasoo gaba gabeeyay maanta oo khamiis ah.

 

shirkan oo ay kasoo qayb galeen  wadamada caalamka oo dhami,waxaa lagaga doodayay sidii wax looga qaban lahaa cimilada aduunka ee marba marka ka danbaysa sii kululaanaysa,Roobabkii oo yaraaday ama aan da ayn wakhtiyadii lagu yaqaanayn,Barafkii fadhiyay Anta artiks oo dhalaalaya,biyaha bada  ku jiray kasii yaraanayo,iyo waliba biyaha bada oo 15cm sare u kacay.

ger 5

 

Saynis yahanada aduunku waxa ay u dhigayaan sidan Aduunkan aynu ku nool nahay waxa uu ka koobanyahay 70% biyo 30% waa dhulka aynu degenahay ama wax ka beerano qaybna Barafbaa saaran,laga soo bilaabo 1971kii ilaa 2015ka waxaa aduunka lagu sii daynayay Co2 qiiqan kaarboonka kaasoo ka imanaya warshadahan faraha ka batay ee wadamadan hore u maray Gawaadhidii oo ciidaa ka badatay,diyaaradihii oo ciidaa ka batay maraakiibtii oo dhamaantoot aduunka qiiqa kaarboon kusii wada daynaya,CH4 oo loo yaqaan Methan oo Atomusfeerkeena 25% sare u kacday,hawadii baa 7dgrii kululaatay.

Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Somaliland Germany Mohamed Husein
Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Somaliland Germany Mohamed Husein

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saynis yahanadani waxa ay lee yihiin hadii hada wax laga qaban waayo 2050 aduunka waxaa ku imanaya isbadalo waawayn oo aduunka oo dhan laga dareemi doono,sida duufaano dabyla wata,roobka oo di waaya,wabiyada oo gudha.

ger 2

suaashu waxa weeye goaankan maanta la gaadhay ee ah in laya reeyo co2 ama 2digrii heerkulka laga dhigo ma fuli doonaa washradaha waxaa ku xidhan dhaqaaalohooda,kuwa gawaadhida sameeya kuwa biraha dhalaaliya kuwa laydhka dhaliya washradan oo kolba kolka ka danbaysay aduunka aadka ugu soo badanayay sida shiinaha maraykanka ruushka hindiya iyo yurub dhamaantood dhaqaaalohooga ayaa ku xidhan,sida dadka qaarkood ay aaminsan yihiin waxani inay tahay wax ilaahay wato oo lagaadhay Gaba gabadii aduunka.

ger 7

 

Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Somaliland Germany  Mohamed Husein ayaa ka qayb galay shirkaasi, shirkan shirkii ka horeeyay oo lagu qabtay wadanka Faransiiska Paris ayaan ka qayb galay waxaanan kaga qayb galay magaca Somaliland,wasaarada Arimaha dibada waxaan ku dhiiri galinayaa inay shirarka nuucan oo kala ah ka qayb galaan.

ger4

waayo cid inaga hor joogsanaysaa ma jirto,wax kastaaba meel saxa oo loo maro ayay leedahay,dadka safiirada loo magacaabayaa ha noqdeen dad u jajaban,kana soo bixi kara hawsha loo igmaday.Anigoo qoraalkan uga Faaiidaysanaya Kooxdii kubada Cagta Somaliland oo maanta sharaf aad u wayn u soo hooyay qaranka somaliland ayaa ilaa hada aan taageero buuxda ka helin Dawlada somaliland iyo shacabkaba waxa ay ahayd in ciyaarta ka socota Abkhasian live looga sii daayo tv qaranka,maalintii furitaanka ciyaaraha 12ka kooxood koox kasta waxaa horkacaysay dawladoodii dawladahooga ayaa ka bixinayay kharashka ku baxaya,inta ay ciyaartu socoto,nasiib daro kooxda somaliland intaas oo dhan may helin.

 

 

Mohamed Husein
Gudoomiyihii Hore ee Jaaliyada Somaliland Germany
inadhacse@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here