Xisbiyada Mucaaradka Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda EU iyo UK

0
435

Hargaysa (HP): Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, oo ay hor kacayeen, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa galabta magaalada Hargaysa kulan kula yeeshay, wefti ballaadhan oo ka socday midawga Yurub iyo UK.

Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.

Waxaana kulankaasi Gudoomiyaha Xisbiga UCID, ku wehelinayay, Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Xildhibaan Cumar Jaamac, Gudoomiye ku xigeennada Xisbiga ee Canab Cabdi Xirsi iyo Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiyaha Gudddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur(Shiine) iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Ibraahim Cabdi Xuseen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here