Laascaanood: D/Hoose iyo Shirkad Kala Saxeexday Heshiis Ka Turjumaya Qurxinta Magaaladda

0
875

Laascaanood (HP): Maamulka dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa maanta heshiis ka turjumaya qurxinta magaaladda la saxeexatay Injiineerada shirkadda qaadatay qandaraaska qurxinta magaaladaasi.
Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood waxaa goob joog ka ahaa maayarka maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, maayar ku-xigeenka Axmed Kawte, iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Laascaanood.

Sidoo kale waxaa madasha saxeexa heshiiskaasi goob joog ka ahaa injiineeradda wax ka dhisaya mashruuca qurxinta bilicda master plan-ka magaaladda Laascaanood iyo masuuliyiinta shirkadda ku guulaysatay qandaraaskaasi.
Waxaana madashii heshiiskaasi Enginerada la guddoonsiiyay aqoonsiga dawlada hoose ugu talo gashay in ay ku hawl galaan ama ku shaqeeyaan Injiineerada wax dhisaya iyo shirkadda wax ka dhisaysa mashruuca qurxinta magaaladda Laascaanood.
Sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, oo ka warbixinayay heshiiskaasi iyo waxyaabaha faa’iidadda ah ee uu magaaladda u leeyahay.

Heshiiskani ayaa mamnuucaya in aanu dhisme ka shaqayn karin Injiineer aan ruqsad aqoonsi ka haysan dawlada hoose ee degmadda Laascaanood, kaasoo ilaalinaya quruxda magaaladda.
Waxa kaloo uu heshiiskaasi tilmaamayaa in Engineerkii heshiiskaasi ku xad gudbana uu mutaysan doono xadhig iyo ganaax uu heshiisku waajibiyay, sida uu xusay maayarka Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil.
Waxa kaloo uu maayarku sheegay in shirkii saxeexa heshiiskaasi uu ahaa mid muhiimad gaara u leh magaaladda Laascaanood kaasoo bilicda magaaladda iyo dhismaha casriga ah qayb weyn ka qaadan doona.
Isagoo xusay in ay ka dawlad hoose ahaan rejaynayaan in iyagoo ka duulaya horumarinta bulshadda magaaladda Laascaanood in ay fulin doonaan Injiineeraduna arrintaasi.

Geesta kale maayarka Laascaanood ayaa ka codsaday Injiineeradda in ay ilaaliyaan heshiiska ay wada qaateen, isla markaana in ay ixtiraamaan heshiiskaasi iyo macuulaadka qoraaladda ay kala saxeexeen.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here