Madaxda Soomaaliya oo Baaq U Diray Somaliland

0
1970

Muqdisho (Hargeisa Press) – Golaha Wadatashiga Soomaaliya, ayaa warmurtiyeed ay soo saareen waxaa ay baaq ugu jeediyeen xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda, iyaga oo ugu baaqay in ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida ay ku caana maaleen.

Golaha wadatashiga Soomaaliya, ayaa boggaadiyay dhaqanka, dimuquraadiyada iyo daganaanshaha ay Somaliland ku soo caano maashay, waxaanay soo jeediyeen in reer Somaliland ilaashadaan.

“Goluhu wuxuu bogaadinaya dhaqanka, daganaanshiyaha iyo dimuquraadiyada ay  Somaliland kusoo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa in ay ilaashadaan xasiloonidooda iyo nabada,” waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aways.

Baaqa golaha wadatashiga Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya maalin kadib qaraxyadii gilgilay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada dad kor u dhaafaya ilaa 100 qof iyo dhaawaca 300 oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here