Madax Dhaqameedka Oromadda iyo Golaha Dhaqanka Somaliland Oo Heshiis Kala Saxeexday

0
1057

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madax dhaqameed ka socday qawmiyadda Oromiya ee dalka Itoobiya oo maalmahanba booqasho ku joogay Somaliland ayaa war ka soo saaray  safarkooda iyo  kulamo ay la yeesheen madax dhaqameedka Somaliland.

Warkan qoraalka ah oo ay caawa si wada jira u soo saareen madax dhaqameedkan labadda dhinac oo ka koobnaa 6 qodob ayaa ku qornaa luuqadda Ingiriisiga.

Waxaana  lagu faahfaahiyay waxyaabo ay labadda madax dhaqameed ku heshiiyeen iyo sidoo kale kulamadii ay madax dhaqameedka Oromadu la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland.

Warkaasi-na waxa uu u dignaa sidan:

15-kii bishan December golaha dhaqanka ee qawmiyadda Oromadda (Abbaa Gadaa),  waxay booqasho ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargaysa, iyagoo ka jawaabayay marti qaad rasmiya oo ay ka heleen madax dhaqameedka Somaliland.

Si loo abuurro xidhiidh wanaagsan ee u dhexeeya dadyawga labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Intii ay ku sugnaayeen Hargaysa madax dhaqameedka Oromadu waxay kulamo la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen golaha Guurtidda, madax dhaqameedka Somaliland iyo sidoo kale bulshadda rayidka ah.

Weftigan golaha dhaqanka Oromadu waxay fursad u heleen in ay wadahadallo iyo dooddo la xidhiidha arrimaha amaanka, deganaanshiyaha gobolka, dhaqaalaha, isku gudubka ganacsiga iyo dhaqanka kala  yeeshaan dadka Somaliland.

17-kii isla bishan madax dhaqameedka ka socday qawmiyadda Oromadda iyo kuwa Somaliland waxay shirk u yeesheen hudheelka Ambassador ee magaaladda Hargaysa.

Kadib doodo dheer waxay labadda dhinac ku heshiiyeen qodobadan soo socda.

1: In la abuurro is-dhex gal bulsho iyo kulamo si loo sii xoojiyo xidhiidhka labadda bulsho

2: Labadda dhinac waxay isla garteen in bulshooyinka labadda dal ay waxyaabo badan wadaagaan, isla markaana loo baahan yahay in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan xakamayn dhibaatooyinka guud, oo ay ka mid yihiin faqriga, colaadaha sokeeye,  socdaalka sharci daradda ah iyo amaanka gobolka.

3: Labadda dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo lana fududeeyo xidhiidhka dhaqan dhaqaale iyo ganacsiga u dhexeeya.

4: Sidoo kale waxay labadda dhinac isla qaateen in la sii xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo eek a dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

5: Golaha dhaqanka ee Somaliland waxay u soo jeediyeen dawladda Itoobiya iyo madax dhaqameedka Oromadda labadoodaba in ay si wada jira uga shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaaladda iyo colaadaha u dhexeeya qawmiyadaha Oromadda iyo Soomaalida ee wada degan Itoobiya.

6: Dhinaca kale golaha dhaqanka Oromadu waxay balan qaadeen in ay qaban qaabin doonaan kulan in kulanka kan xigaa uu ka dhaco dalka Itoobiya.

 

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here