Odayaasha dhaqanka Iyo ganacsato kasoo jeeda Beelaha Akisho oo casuumad ufidiyay Waftigii Ethopia ka yimid ee Abaa gadaa oo si heer sarre ah uga qabsoomay hoteelka Damal ee Magaalada hargaysa

0
2197

Hargaysa(hargeisapress) Odayaal Dhaqameed Ganacsato reer Somaliland ah oo kasoo jeeda beelaha Akisho ayaa maanta si balaadhan umarti qaaday Waftigii Abaa gadaa ee Ethopia ka yimid Xafladda waxaa soo agaasimay oo casuumada fidiyay Ganacsade Khadar Abdirashiid Ali oo ka mid ah Saamilayda Shirkadda Telesom Company wuxuu si qurux badan ugu deeqay waftigaa casuumad sharfan iyo Hadiyado kala duwan Oo qiima leh “Anoo ku hadlaya afka ganacsatada reerka iyo Ka shirkadda telesom waxaan si kal iyo laab ah idiin farayaa inaad qayb ka noqotaan isku xidhka ganacsiga iyo jaarnimadda inaga dhaxaysa”

Wuxuu waftiga kala hadlay wanaajinta xidhiidhka Labada wadan ee jaarka ah iyo in la horumariyo ganacsiga ka dhaxeeyaba.

SULDAAN Abshir Xasan Cali ayaa isna wuxuu halkaa ku gudoonsiiyay Waftigii Abaa gadaa ahaa hadiyad qiimo leh, waxaanu ku dheeraaday taariikhda jaarnimadda labada wadan isagoo Waftigaasna faray fariin ah in ay gaadhsiiyaan raisal wasaaraha Ethopia sidii uu usii adkayn lahaa xidhiidhka somaliland iyo Ethopia.

Cheif Caaqil Tutabeene ayaa halkaa isna ku gudoonsiiyay hadiyadahaas ugana waramay nabada iyo wanaaga labada wadan ee jaarka ahi isu hayaan.

Ganacsade Mohamed mahdi ayaa wuxuu si qoto dheer uga hadlay kulankani qiimaha uu uleeyahay maadaama isbedel ka dhacay geeska afrika isdhexgalka labada wadan uu sii wanaajin karo xidhiidhkii hore ulahaayeen.

Xildhibaanka Abdikarim Sh cumar ayaa kusoo gunaanaday wanaajinta laba wadan ee jaarka ah Somaliland iyo Ethopia kuna kaftamay in ay xidhiidhkii ay lahaayeen labadan wadan sii adkeeyaan.

Waftigii Abaa gadaa ahaa ayaa ka mahad celiyay Casuumadan Beesha akishe ufidisay kana gudoomay hadiyadan,waxaanay balanqaadeen in ay fariimahaasi gaadhsiin doonaan Madaxda ethopia haddii alle idmo.

Hargiesapress Main office Hargaysa

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here