Hargeysa,(HargeisaPress) –Madadaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey Maalinta Qaxoontiga Adduunka oo maanta (22.06.2025) lagu qabtay Huteel Maansoor, magaalada Hargeysa.
Munaasibadda lagu xusayey Maalinta Qaxoontiga Adduunka, ayaa Madaxweyne-ku-xigeenka waxa kala qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada Somaliland, madax kala duwan oo ka socotay Hay’addaha Qarammada Middoobay (UN) u qaabilsan arrimaha qaxoontiga, qaar ka mid ah dadka Qaxcoontiga ah ee ku sugan dalka, iyo marti-sharaf kale.
Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada Somaliland, Mudane Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa sheegay in ka Xukuumad ahaan ay xil iska saareen daryeelka dadka qaxoontiga ah ee magan galyada ku jooga dalkeena, waxana uu kula dardaarmay dadka Qaxoontiga ah ee ku sugan Dalka in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo qawaaniinta Waddanka, kana digtoonaadaan wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo dhaqanka bulshada reer Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday qorshaha Xukuumaddu ka leedahay Qaxootiga, waxana uu yidhi:
“Duruuf ayaa keentay Qaxootinimada, qofka qaxootiga noqday way ku kelliftay, dadka uu martida u yahayna waa in ay dareemaan oo qof kasta rag iyo dumarba la soo dhaweeya.“
Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in loo baahan yahay in meelo gaar ah la dejiyo dadka Qaxoontiga ah ee ku sugan dalka, waxana uu yidhi:
“Ka xukuumad ahaan, waan soo dhawaynaynaa tallooyinkaasi la soo jeediyey, waxa aanan u soo jeedinaya Wasaaradda iyo Ha’yaddaha Arrimaha Qaxootiga ka shaqeeya in dadkaasi loo sameeyo meelo u gaar ah oo la dajiyo.”