Gabiley: Cusbitaalka Degmadda Tog-Wajaale Oo Lagu Wareejiyay Unbalance

0
580

Tog-Wajaale (HP): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta baabuur unbalance ah ku wareejisay maamulka cusbitaalka degmadda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.
Waxaana baabuurkaasi maamulka cusbitaalka Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, iyo ka degmadda Wajaale ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.
Wareejinta unbalance-kaasi waxaa goob joog ka ahaa xildhibaan yaxye C/laahi Aamiin (yaxye-araarse), oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here