Golaha Wakiiladda Somalilad Oo Ansixiyay Xeer Hoosaadka Golahaasi

0
444

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaadka golahaasi oo maalmahanba ay xildhibaanadu ku guddo jireen doodiisa iyo falan-qaybtiisa.

Xeer hoosaadkaasi ayuu golaha Wakiiladu ku hawl geli doonaa mudadda ay ku eg tahay muddo xiloodkoodu ama ilaa inta uu ka dhamaanayo, taasoo ah shan sanadood.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed, waxaa ka soo xaadiray 76 mudane oo ka mida 82-ka xildhibaan ee uu golahaasi ka kooban yahay.

Waxaana markii codka ansixinta ee gacan taaga ah loo qaaday xeer hoosaadka ogolaaday 70 mudane, afar mudane ayaana diiday, halka uu hal xildhibaana ka aamusay. Halka aanu guddoomiyuhuna codaynin.

Kadib markii ay mudaneyaashu codka gacan taaga ah u qaadeen xeer hoosaadkoodda ayaa guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed, waxa uu ku dhawaaqay natiijadda codayntaasi.

Waxaany yidhi, “Waxaa u codeeyay in la ansixiyo 70 xildhibaan. Waxaa diiday afar xildhibaan, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Guddoomiyuhuna muu codaynin.  Sida xeerkeena iyo sharcigeenu qorayo, xeer hoosaadku sidaas ayuu ku ansaxay”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here