Maayarka Boorama Oo Ka Hadlay Askari Maanta Lagu Dilay Boorama

0
723

Boorama (HP): Askari boolisa oo ka tirsanaa ilaaladda shirkadda ka shaqaynaysa biyo-gelinta Galbeedka magaaladda Boorama ayaa manta lagu dilay magaaladda Boorama.

Dilka askarigaasi cidii gaysatay ayaan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin, iyadoo la sheegay in kooxda dilka gaystay ay meesha isaga carareen.

Maayarka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yahay in meel kastoo uu gallo cidii ku lug lahayd falkaasi in aanay ka hadhi doonin.

Waxaanu ku eedeeyay in ay falkaasi ka danbeeyaan cid ka soo hor jeedda horumarka gobolka Awdal ka socda.

Saleebaan Xasan Xadi, oo manta warbaahinta kula hadlay Boorama, ayaa ugu baaqay shacbiga gobolkaasi in ay xukuumadda ku gacan siiyaan sidii hawshaa wax looga qaban lahaa.

Halkan Ka Daawo Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here