Waxaa La Gaadhay Xilgii Hay’aduhu Ka Hawl Geli Lahaayeen Bariga Somaliland

0
728

Hargaysa (HP): ‘Waxaa la gaadhay xiligii hay’adaha caalaiga ah ay ka hawl geli lahaayeen goboladda Bari ee jamhuuriyadda Somaliland’.
Waxaa sidaasi ciwaan looga dhigay faaladdii warka ee wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Faaladaasi oo idaacadda Radio Hargeisa iyo telefishanka qaranka Somaliland laga baahiyay shalay.

Waxaana diyaariyay Cumar Maxamed Aw Faarax, agaasimaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Faaladaasi ayuu Cumar ku dul-istaagay sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay sidii goboladda Bariga looga hirgelin lahaa nabadgeliyo cago adag ku taagan, isla markaana loo gaadhsiin lahaa mashaariicda horumarka.

Qodobadii sida gaarka ah loogu faaqiday faalaadaasi waxaa ka mid ahaa gobolka Sool oo degaamadiisa ay xukuumadu si weyn uga shaqaysay gaadhsiinta nidaamka dawliga ah.

Kuwaasoo ay ugu waaweynaayeen bandhigii buugaagta Laascaanood oo dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2019-ka lagu qabtay magaaladda Laascaanood. Taasoo soo jiidatay indhaha bulshadda.

Faaladaasi waxaa akhriyay weriye Maxamed Muuse Banjiidh, oo ka tirsan weriyeyaasha Radio Hargaysa.

Halkan Ka Dhegayso Faaladaasi:

Hargeisa Press.om/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here