Maayarada Hargeysa iyo Jigjiga oo Ka Warbixiyay Shirka Marinka Berbera Corridor

0
603

Jigjiga (Hargeisa Press)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Maayarka magaalada Jigjiga, Shaafi Axmed, ayaa faah faahin ka bixiyay shirka madasha ka faa’iidaysiga dhaq-dhaqaaqyada socdaalka ee marinka dhaqaalaha Berbera (Berbera Corridor), oo ka furmay Jaamacadda Jigjiga.

Labada maayar, ayaa waxaa ay sheegeen in labada dhinac ee Somaliland iyo dowlad deegaanka ay faa’iido weyn ugu jirto socdaalka marinka Berbera.

Waxaa ay sheegeen Maayaradu in laga tashanayo sidii si wadajir ah looga wadashaqayn lahaa horumarinta marinka dhaqaalaha Berbera ee (Berbera Corridor), islamarkaana looga sii gaashaaman lahaa caqabadaha marinkani marka uu furmo.

Marinka dhaqaalaha Berbera, ayaa la filayaa in uu kor u qaado ganacsiga, iskaashiga dhaqaale iyo xoojinta xidhiidhka shacabka Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaana kulankan inta uu socdo la yeelan doonaa dooddo lagu dul istaagayo hababka ugu fudud ee looga faa’iidaysan karo Marinka dhaqaalaha Berbera.

Kulanka labaad ee shirkan, ayaa lagu qaban doonaa magaalada Hargeysa, sidii ay u sii socon lahayd doodan ku saabsan mashruuca marinka, iyadoo ay marti gelin doonaan Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Jaamacadda Hargeysa, sida uu sheegay Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here