Hargeysa, (HargeisaPress) — Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo mashruuca biyo balaadhinta caasimada Hargeysa.
Maxamed Cali Daarood, waxa uu sheegay in si dhamaystiran ay u gaadhsiin doonaan degmooyinka caasimada Hargaysa marka uu soo dhamaado mashruucaasi, gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.
Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa carabka ku adkeeyay in lagu hawlan yahay saddex Berkadood oo ay caasimadu biyo ka heli doonto, iyadoo ay socdaan laba qaybood oo la doonayo in lagu kordhiyo biyaha caasimadda.
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Magaaladda (Hargaysa) gudaheeda laba mashruuc oo waa weyn ayaa ka socda. Mid waxaa maalgelisay dawladda Germany oo ah in habkii biyaha magaalada gudaheeda loogu qaybinayay la sameeyo oo caasimadda oo dhan la wada gaadhsiinayo. Mid-na waxaa maalgelinaysa Coca-Cola African Foundation. Labadaas mashruuc oo is-dhamaystiraya, ayaa magaalada Hargeysa biyaha wada gaadhsiin doona koonayaasheeda oo dhan, iyaguna meel fiican ayay noo marayaan”.
Maxamed Cali Daarood, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay meelaha laga qodayo Berkaddo biyaha lagu kaydiyo oo la doonayo in xaafado ka mid ah caasimadda Hargaysa laga hirgeliyo. “Coca Cola wuu inoo bilaabmay oo saddexdii Berkadood ee laga dhisayay Maxamuud Haybe iyo Axmed-dhagax, shaqadoodii way socotaa oo Berkadihii qoditaankoodii iyo dhagax-dhiggii baa la bilaabay bishii March 2017-ka, waanu socdaa.
Kan Jarmalka isaga waxaannu ku jirnaa shirkadihii qiimayntoodii iyo kala saaristoodii ciddii fulin lahayd, waana mashruuc weyn. Jarmalku waxaa uu laba Berkadood oo waa weyn inooga dhisi doonaa halka Berkadii hore ee Shiinaha. Waxaana Berkado cusub laga dhisi doonaa degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed-dhagax iyo mid cusub oo Karinta xaafadda Daami laga dhisi doono, mid kale-na hudheelka Maansoor dabadiisaa, taasna waxaa inoo dhisi doona shirkadda Coca Cola. Sidoo kale, Coca-Cola waxay dhisi doonaan saddex Berkadood oo ka sii danbayn doona kuwan Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo Berkad kor u kacsan oo madaarka diyaaradaha Hargaysa agtiisa ah oo meelaha buurta ah gaadhsiin doona biyaha, kaasi waa magaalada gudaheedii” ayuu yidhi Maxamed Daarood.
Geesta kale maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa waxa uu sheegay in sababta keentay biyo balaadhintan cusub ay tahay iyadoo xiligii biyo-gelinta loo sameeyay magaaladda Hargaysa tiradda dadka ku nool ay aad uga yarady tan hadda ku nool, isla markaana taa darteed ay hadda lagama maar maan noqotay in sameeyo qorshe lagu balaadhinayo biyaha Hargays.
Waxaaxnu yidhi “Waynu og-nahay nidaamkeena hadda jira ee biyaha magaalada aynu haynaa, waxa loogu talo-galay dad gaadhaya 20% dadka ku nool caasimadda Hargaysa iminka, isla mar ahaantaanna xilligii la samaynayay Shiinaha iyo nidaamkaas, ma aha mid laga sii fikiray inay dhici doonto xilli ay magaaladu aad u ballaadhato oo loo baahan doono in biyihii xaafadihii loo kala qayb-qaybiyo oo mid qorshaha ku jira muu ahayn.
Waana sababta keenay in magaalada qayb ka mid ahi biyo ku filan helaan, qaybaha qaar-na aan laga arag biyaha”.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa