Muusanaw Moorgan Iyo Shabaxii Muuse Biixi Qallinkii: Mohamed Daud

0
2601

Waa maalin Jimca ahayd. Bishii Shuwaal ahayd 11, Sanadkii 1408 ee Hijradii Rasuulka. Ku beegnayd 27kii May 1988. Xoogaggii SNM ayaa galalafay Guutadii 3aad ee Qaybtii 26aad ee Xoogga Dalkii Somaliyeed/ Togdheer. Isla maalintaas Jimceed ayuu Moorganna ka soo laabtay Addiis, isaga oo uu ku hawlanaa Heshiiskii Itoobiya. Madaarka Hargeysa markuu soo gaadhay, isaga oo ka war-qabay waxa Burco ka dhacayay, ayuu isku qaaday Daartii Caddeyd ee Taliskii Ciidamada/ Hargeysa. Iyaba Mucjiso ayay ayade, shaw waxaa ka soo hor-maray Moorgan, guuto jiirar ah, oo ay mar soo wada galeen Ciidanka Buco, oo ku habsatay Daartii Caddeyd, ee Taliskii Ciidanka Hargeysa. Guuto Jiirar Ah oo gam ka siisay kahrabaddii iyo xadhkihii laydhka. Maxaa laydh qarxaya! …Maxaa Shoodh baxaya! …Maxaa jac-jac yeedhaysa! Maamulkii waxay ku noqotay qaadan waa iyo af-kala-qaad. Manay garan iyagu cilladdan wixii sababay.

Daartaas laydhkeeda waxaa hore ugu fara-yaraystay Khabiir Talyaani ahaa. Oo cid kale waa lagu aamini waayay. Oo wax ceeba oo lagu ogaa, ama la garan karayay markaasna, meesha kamay muuqan. Gidaarada waxaa ku wada daboolan Shafiito caaga, oo jabaqda ka ilaalisa Taliska, oo sidii Balaadka u qurux badan. Wax walba dusha waa ka-dhag. Goortu xumaa! Dagaalka socdaa ama soo fool lihi culusaa! Taliskiina waa dam-dagiigan oo habeen “baas” baa u dumay. Waxaa istaagay Rakaaladii, Kamaradihii Gaadhka Hayay iyo wax kasta oo laydh ku shaqaynayay. Moorgan oo madaxa haystaa oo yaabanina, wuu dhex qotomaa.

Waxaa la dalbaday koox farsamo yaqaano ahayd oo ka socotay Wakaaladda Korontada. Oo ay ka mid ahaayeen Cabdillahi Warsame Xirsi, Maxamuud Loodh, Muuse Warsame, Daahir Sh Axmed C/Laahi iyo Xiis Yuusuf Cabdi. Waa todobadii nin ee ugu xariifsanaa oo uu wato macalinkii weynaa ee Loodh. Raggaas farsamo yaqaanada ah, qori baa lala daba taagan yahay. Hanjabaadda ku dhacaysa malayn maysid. Odeygii Loodh isaga Agaasimihii Daarta Cad baa madaxa ugu dhuftay gidaarka, isaga oo canaan ku hurgufaya. Waxay raftaanba laba cisho ayay ku qaadatay inay Shafiitadii ka sokaysay gidaarka dhulka soo dhigaan. Saa waa boqolaal jiirar ah oo meel walba daadsan! … Iyo xadhkihii laydhka oo isku cayn iyo beyd go’ay. Farsamo-yaqaanadii Waxay jidhiiba cilladdii ka saareen Fooniyihii, Kamaradii Ilaalada ee dusha ka sawiraysay Daarta, iyo Sanam uu lahaa Siyaad Barre oo xafiiska Moorgan ka dhex Walaclayn jiray. Intii farsamada la waday, Moorgan afka iskumuu darin. Jidhiiba wuxuu ku yidhi kooxdii Kahrabadda: “Waryaa, Fidaa’iyiin baad tihiin. Idinka iyo kuwanaga xabadda ridayaa, isku qiimaad tihiin.”

Dabadeed wuxuu bilaabay inuu Fooniyaha qabsado. Moorgan waxaa ku naban afar Janan oo aad mooddo inay hadhkiisii yihiin …Oo hadduu kaco la kacaya, haddii fadhiisto ama dhaqaaqana la dhaqaaqaya. Muqdisha ayuu la hadlayaa: “Nala soo gaadha 50aad iyo 54aad. Ciidan hebel iyo ciidan hebal way ku daayeen …Sumaladii intaasaa ku deysay … Diimankii intaasaa ku deysay. …Iwlm” Wuxuu ka warramayaa Maxamed Cali oo isna Dhubato, Badarwanaag, Sharato ilaa Cadaadlay soo galay. Moorganna saraakiil buu kala dirayaa, inay ka hor-tagaan Maxamed Cali. Maalintii Axaddii seddex gaadhi oo sida dhaawcii saraakiisha ayaa la keenay Cusbitaalka Hargeysa. Maydkii Janaraalkii haystay Burco oo gabadh reer Burco ahi sidday ayaa isna la keenay. Tacsidii Ganaraal Cadceed baa Daarta lagu siinayaa Moorgan iyo laba nin ooy walaalo ahaayeen Marxuunka. Fooniyha uu Muqdisho u dirayaa ma kala go’ayo. Haddana waakan:

“Waxaa nagu soo aaddan Muuse Biixi iyo Boqol inan oo uu wato. Boqolkaasi hadday xadka ka soo tallaabaan boqol Kun bay noqonayaan. Dhinaca galbeedkana waxaa ku soo maqan Mahdi Cali … Boqol inan buu wataa …Hadduu isna xadka ka soo gudbo Boqol Kun bay noqonayaan …50aad iyo 54aad! … 50aad iyo 54aad!”

Waxaa ku soo dhacaya wacdarihii ay dhigeen Ciidankii Maxamed Cali. Naftiisa ayaabu u baqay, intaanay soo gaadhin Kuwii Hargeysi, oo Isniintii ka soo dhaqaaqay Balli Samatar. Oo Habeenkii Arbacadu soo galaysay, 2:30 kiina ka billaabi doona Daartan Cad. Kuwaas oo uu watay Maxamed Cilmi Galan … Moorgan horuu u dalbaday Ciidankii Dararweyne, isaga oo leh:

“Ha la soo dhaqaajiyo 25 Kaare …Shan-shan ha u socdaan …500M ha isku jiraan …Masalaha iyo Madaarka dushooda haysku teedaan …”

Haddana intuu Moorgan daaqaddii furay, oo xagga Malko Durduro eegay, Kuyee:

“Nacallaa Walidkood … Wallahi inay fakaddan ka soo boodi … Ooy Kalarka na laaci! Waar hebalaw xaggan soo mari laba Kaare …Nacallaa Walidkood …Wallaahi ninkaasi (Muuse Biixi), intuu halkaas noogu yimaaddo, inuu Kalarka na qaban”

Bal waa Calaamo Ilaahaye, Madaxda Aagga Maka wey ka badnayd Muuse, oo waliba Saraakiil ka sarreysay Muuse ayaa jirtay. Lakiin waxaad moodaysay in ninkaa Muuse uun lagu dhalaaliyay. Maxaa ka dambeeyay? Bal adba!

Qallinkii: Mohamed Daud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here