Berbera , (HargeisaPress) —Maareeyaha haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallo maalmahan la isla dhex marayay oo ahaa in shidaal yari ay dalka jirto, isla markaana ay faaruqeen haamaha kaydku.
Hase yeeshee Xasan Embassy, oo warbaahinta kula hadlay Berbera waxa uu sheegay in shidaal kayd ah uu haamaha ku jiro, sidoo kale-na uu dekadda Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo shidaal sida.
Halkan Ka Daawo Maareeye Xasan Embassy Oo Arrimahaas Faahfaahinaya:
https://youtu.be/Spc3O-XgHYk