Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Shir Caalami ah Kaga Qaybgalay Dalka Jarmalka

0
984
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdillaahi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa dalka Jarmalka kaga qaybgalay shir caalami ah oo ay iskugu yimaadeen Masuuliyiinta Dekedaha waawayn ee dunida, Madaxda Shirkadaha Container Lines-ka iyo Ururka Badaha Caalamka, IMO iyo madax kale oo ka socota Shirkadaha   Caalamiga ah ee ka hawlgala Dekedaha waawayn daafaha Adduunka.

Shirkan oo ahaa mid heer caalamiya, ayaa ka dhacay Magaalada Hemburg ee woqooyiga dalka Jarmalka, waxaanna lagu lafo-guray arrimo badan oo ku saabsan mustaqbalka adeegyada Dekedduhu bixiyaan sidii loo horumarin lahaa iyo weliba Istaraatiijiyad cusub oo halkaa lagu shaxeeyey.

Sidoo kale, waxa shirka isku dhex bartay in ka badan 200 (laba boqol) oo Masuul oo ka kala socday dalal kala duwan, kuwasoo mid waliba dhinaciisa halkaa ku soo bandhigay fikiro horumarineed ee Dekeddiisa iyo himiladeeda.

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa halkaa ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo hoosta ka xariiqay hiigsiga iyo casharada uu halkaa ka soo korodhsaday.

“Muhiimadda shirkan ay ka soo faa’iiday Somaliland, ayaa ah inay soo samaysay xidhiidh caalamiya iyo saaxiibo hor leh oo dhinacyaa Dekeddaha ah. Waxa kaloo shirka ka soo qaybgalay saraakiil sar-sare oo ka socday Ururka Qarammada Midoobay u qaabilsan baddaha, kuwasoo kulan khaas ah la yeshay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdillaahi.

Si kastaba ha ahaatee, taariikhda waa markii u horaysay ee Maareeye Dekeddaha Somaliland metelaa uu ka qaybgalay shir noocan ah oo ay iskugu yimaadeen dowlado kala duwan oo caalamka ah.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here