Maansada Guubaabo: Oo Uu Curiyay Suxufi/Hal-Abuurka Axmed Cismaan Batuun.

0
1198
Suxufi/Hal-Abuurka Axmed Cismaan Batuun.

Waa Maanso Dhabtii Ay Ka Dhex Muuqato Sida Uu Abwaanku U Saluugayo Heerka Garaadka Bulshadiisa Ee Waqtigan,Oo Ka Hooseeya Halkii Uu Ka Filayay Ama Yoolkii Uu Laabta Ka Hilaadin Jiray Intii Uu Hana-Qaaday Ilaa Habeenkan Caawa Ah.
Duruufihii Iyo Waayihii Adkaa Ee Ay Soo Jibaaxeen Bulshadu Rubuc Qarnigii Ka Danbeeyay Qaadashadii Calanka,

iyo Rubicii Ka Danbeeyay Rubucaas Hore Ee Goonida Loo Go’ay,

Casharadii Ay Ka Barteen Dadkiisu Dhibkaas Oo Aan Hab- Dhaqankooda Ka Muuqan Ayuu Arkayaa,Sida Laga Dheehan Dhex Roorka Maansada.

Isku Soo Xooriyoo Aad Bay Iisoo Jiidatay Maansada Guubaabo..Taas Awgeedna Waxaan Jeclaystay Inaan Idinla Wadaago…Waana Wax Dhici Kara Inaad Aniga Hortayba Idinku Aragteen……Aadna wuu Ugu Mahadsan yahay,
inankaa Axmed-Yare.

•Ged iyo waa talo aduun
•Gumaysina waa jahliga
•Guusbaa lagu ciil baxaa

•Gashina waa laga koraa
•I maal garashaa ku tidhi
•Go,aanbaa yidhi ku raac

•Garbaa tidhi waa sidaa
•Bilaashna umaan godlane

•U jeedo shinkeed galaan
•Dhanbaalka usoo ganee
•Intaad garataan qasdiga
•Warkana aad iga gurtaan
•Gaadhsiiya halkay lahayd….

•Guubaabo waxay ku tidhi
•Gunaadbaa jira qarsoon
•Faraadin gargaari karo
•In loo geeyana bogsigu
•Goorteeduu fiicanyahay

•Ladh iyo gocashana ogow 
•Markuu caashaqu guntado
•Geyaankii dookh u galo
•Hadaan guur looga deyin
•Inaan garab joogsi dhayin
•Gaabsina uu yahay cadaab
•Islaam wuu garanayaa
•Anoon garyaqaan is bidin
•Bulshaan gaadhkeed ahee
•Tixdaydoon qolo gujayn
•Hadaan gutay waajibaad
•Gadaal waxan soo watiyo
•Gadaanka araarta taal
•Gef yaan loo qaadanine
•Gardaadiya oo bogtoo
•Gudooma tilmaamahaa:

•Maxaa ruux naga galbaday
•Gadmaday oo leexdayoo
•Garaadkii lagu bartiyo
•Wixii gobanimo ku jiray
•Intuu galay meelo daran
•Giriifay tilmaanta oo
•Genbiyay sharaftuu lahaa….

•Maxaa hebel geesiyoo
•Gankiisu majeerto oo
•Gayiga hiil looga rabay
•Hanyare guubaabiyoo
•Intuu door biday gunada
•Awood ku gabbood faloo
•Dan gaara inuu yab-yabo
•Dantii guud uga hadhoo
•Galladi inay tahay sidaa
•U qaba oo guul is biday!…

•Maxaa gaan kala fadilan
•Oo qaar gasariir asturan
•Astaan guud looga dhigay
•Intoodii gaasirnayd
•Xaqiiqdu gumaysayoo
•Geeraar lagu miisay iyo
•Tiraab iyo gabayo lumay..

•Maxaa hebel geedka yimi
•Xumaanta ka giigi jiray
•Maantana aan kala gurayn
•Gurraca iyo toos midnaba.

•Maxaa gar ma qaate jira 
•Guddoon iyo sama ka talin
•Galaangal ka jooga oo
•Gufays isagoon u hurin
•Goobtuu ka masuul ahaa
•U guuxaya meel ka wayn.

•Maxaa gaban doodii shalay
•Gef maaha sidaasi yidhoo
•Garoonka markuu ka baxay
•Giriifaya maanta oo
Canbaarayn guudka sudha.

•Maxay garab-daartu tidhi
•Gaashaan-qaadkaa bahdilan
•Kaskiisu wuxuu u gudhay
•Intuu gini qaatay buu
•Run sheegis ka gaabsadoo
•Wuxuu galay eedo culus
•Giraan jirjiroole wado
•Hadhkana labadiisa gelin
•Gedida muuqay lahayd
•Amaba geed wareega iyo
•Sidii gabaldayaha noqay
•Jiilkii la gaboodsan jiray
•Markay gabadano jirtoo
•Geesnaba kuma waarayee
•Talada garab qudha hadii
•Tirada gudub loogu raro
•Tarbaa godob kuu noqdee
•Bad kale inta aanan gelin
•Aan kuusoo gaabiyoo
•Gunaanadka aan tagee
•Gurmadka aynu raadinaa
•Guurguurka danaysta iyo
•Gucliyo hadba meel ahaw
•Miyuu yahay laba gardaaq.

•Saxnaani halkay gashaa
•Geddaasna waxaa u yaal
•Gugii jiilaal martiyay
•Gaziinkana looga dhigay
•Gubtahanyo lasoo jarjaray
•Dedaalkuna wuu gudhaa
•Haduu guuraha badsado
•Hortiisuna tahay gawaan
•Guushana fureheedu waa
•Gacmaha oo wada jiree
•Hadaad ila garanaysaan
•Murtida waan kuu guntoo
•Garbaan ku adkeeyayoon
•Ku giijiyay heeryadee
•Gorfaynta waxaan arkaa
•Xadkay gudub leedehee
•Waxaanse ku goynayaa
•Intay garashada bulshadu
•Hebelo isu guuxayiyo
•Qabyaalad u goohayaan
•Dalkana goleyaasha jira
•Halbeeg lagu kala guraa
•Gidaar reernimo u yahay
•Guddina aan dhaari celin.
•Dibbaa loo guranayaa
•Xuseenoow galabta oo
•garaadku hadaanu odhan
•guriga waxa laga unkaa
•gondaha oo ugu haboon
•Dadkii loosoo gubtee
•hantiyay gobanimada taal
•Inay gaadhaan filkood
•Umay gogol xaadhanine
•Ilaahoow noo gargaar.

AXMED CISMAAN BATUUN. 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here