Muqdisho oo Laga Dareemayo Qabanqaabada Aaska Gudoomiyihii Gobolka Banaadir

0
559

Muqdisho (Hargeisapress) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa laga dareemaya qabanqaabada diyaar-garow loogu jiro Aaska guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saacadaha soo socda meydkiisa la keeni doona Somalia.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday khamiistii magaalada Doxa ee dalka Qaday kadib markii dhaawacyo ka soo gaadhay qarax lagula beegsaday xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaana la dhigay wadooyinka magaalada ciidamo tiro badan waxaana meelaha qaar laga mamnuucay gaadiidku inay maraan oo waxa la xidhay wadooyinka Qaar.

Aaskan Qaran ee loo samaynayo Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayay ka qaybgali doonaan madaxda dawlada Somalia, waxaa salaada jinaasada lagu dukan doonaa Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaa ku darayaan in Aaska Guddoomiye Yariisow uu ka dhici doono Qabuuraha Agagaarka School Polizio.

Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Yariisow oo ahaa nin miisaan ku leh dawladda Somalia ayaa la filayaa in dawlada Somalia ay si weyn u tabi doonto doorkii uu ku lahaa xukuumada Madaxweyne Farmaajo ee dhinacyada amaanka iyo horumarinta caasimada Muqdisho.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY