Maalinta Harimacadka Adduunka Oo Somaliland Laga Xusay

0
533

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagu qabtay munaasbad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Harimacadka adduunka oo afarta bisha December, wadamo badan oo dunidda ah laga xuso.


Munaasibadaasi lagu xusayay maalinta Harimacadka adduunka oo lagu qabtay xarunta dhaqanka ee magaaladda Hargaysa, waxaa iska kaashaday xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo haayadda Cheetah Conservation Fund (CCF).
Barnaamijkaasi saaka ayaa iskugu jiray khudbado, wacyigelin, suugaan iyo sawir gacmeedyo, halkaasi lagu soo bandhigay.


Waxaana xuskaasi ka soo qayb gallay qaar ka mid ah abwaaniinta caanaka ee Somaliland, xubno ka socday haayadda CCF, iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale waxaa waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay ardayda dugsiyadda Elm School, Scie-tech iyo Bright Academy, oo si qurux badan uga qayb qaatay barnaamijka maanta.


Geesta kale qayb kaloo barnaamijkaasi xuska maalinta Harimacadka adduunka ah ayaa galabta qaybtiisa labaad waxaa lagu soo bandhigay isla xarunta dhaqanka ee magaaladda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here