Maalinta Deegaanka Adduunka oo Si Weyn Looga Xusay Somaliland

0
572

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta si weyn looga xusay jamhuuriyadda Somaliland xuska maalinta Deegaanka Adduunka ee 5-ta May.

Munaasibad balaadhan oo xuskaasi loogu dabaal degayay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Deegaanka ee magaaladda Hargeysa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyada JSL, wasiir ku-xgeenka wasaaradda Ganacsiga, iyo Dalxiiska JSL, iyo agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay saraakiil, iyo masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka JSL.

Maalinta Deegaanka Adduunka ee 5-ta bisha June, oo sanad walba wadamo badan oo caalamka ah laga xuso ayaa xuska sanadkan ee Somaliland waxaa Hal ku dheg loo qaatay (Yaraynta Dikhowga Caaga iyo Dhibaatooyinka Bacahu ku leeyihiin Deegaanka).

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Baandare, oo khudbad ka jeedisay xuska maalinta Deegaanka Adduunka, ayaa sheegtay in dhibaatada ay Bacaha iyo Caagu ku leeyhihiin Deegaanka ay aad u badan tahay.

Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay daryeelka, iyo ilaalinta deegaanka.

Waxaanu agaasimuhu shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan Deegaanka, isla markaana ay iska daayaan isticmaalka Bacaha, kuwaas oo waxyeelo balaadhan ku ah deegaanka.

Geesta kale, dhamaan masuulyiinta kale ee ka soo qayb galay munaasibadan ayaa shacabka ugu baaqay in la yareeyo isticmaalka Caagga, la na joojiyo Isticmaalka Bacaha oo dhibaato weyn ku haya Deegaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here