“Ma jirro wax khilaaf ah oo golaha deegaanka Gabiley ka dhex jiraa isla xisaabtan”…

0
335

Hargaysa (HP): Xildhibaan C/rashiid Haybe Faarax (Daacad), oo ka mid ah golaha deegaanka Gabiley ayaa ka warbixiyay eedaha musuq maasuq iyo xil ka xayuubinta ay xubno golahaasi ka tirsani ku soo oogeen maayarka.
Waxaanu sheegay in aanu jirin haba yaraatee wax khilaaf ah oo ka dhex taagan xildhibaanadda golaha deegaanka Gabiley, balse ay jiraan eedaymo musuq maasuq oo lagu soo oogay maayarka Gabiley.
Taasoo taagnayd labadii bilood ee u danbeeyay, isla markaana ay xubno xildhibaano ah oo uu C/rashiid Haybe Faarax, laftiisu hormood u yahay ay ku soo oogeen maayarka golaha deegaanka Gabiley.
Arrintaasi oo hadal haynteedu ay muddooyinkan ba si weyn uga taagnayd gudaha magaaladda Gabiley, iyo xataa caasimadda Haargaysa, iyadoona ay jirto dacwado ka dhan ah maayarka Gabiley oo ay xildhibaanadaasi u gudbiyeen maxkamadaha.
Waxaanu sheegay in waxyaabaha ay maayarka Gabiley ku soo eedeeyeen ay ka mid tahay isla xisaabtan, sharci jebin, iyo eedo musuq maasuq, balse aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhex taagan xildhibaanadda golaha.

Xildhibaan C/rashiid Daacad, waxa uu sidan ku sheegay barnaamijka Fagaarraha Su’aalaha ee ka baxa MMTV oo uu todobaadkan marti ku ahaa, barnaamijkaasi oo uu kaga hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan khilaafkaasi u dhexeeya xildhibaanadda uu ka midka yahay iyo maayarka Gabiley.
Waxa kaloo uu xildhibaan Daacad, intaas raaciyay in eedaymaha musuq maasuq ee ay ku soo ololiyeen maayarka Gabiley in ay u gudbiyeen haayadaha dawladda ee ay khusayso, isla markaana hawlahaasi ay meel fiican maryaaan.

DAAWO: Barnaamijkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here