Labaa isku Kay saarmi waayay – Qore : Ahmed Maax Hassan

0
744

Tan iyo markii aana ka baxanay midnimadii lagu raadinayay 5 somaliyeed ee lagu hungoobay,  Somaliland oo burbur dad iyo duunyo aanay mutaysan taliskii axmaqa ahaa u gaystay; markasta ka may helin Gargaar iyo garawshiiyo bulshada caalamka.

 

waxaynu soo maray wakhti adag ooynu gar iyo garaba u baahnayn.

Nabadayntii bulshada, Hub dhigistii, Doorashooyinkii, Distorkii, Xusbiyada Siyaasada, Dhismaha maamul dawliya wada gaadhay dalka, Dhismaha kaabayaalsha dhaqaalaha, Ciida Qaran oo tayo leh etc etc.

Somaliland waxaa is badalay afar madaxwayne oo mararka qaar lagu kala helay tiro aad u yar.

Hadaba waxaan aad ula yaabay beesha caalamka oo woxogaa fara guudka bixiya iyaga oon aqoonsanayn Somaliland ay taladeeda juqa juqeeyaan.

 

Kuma Aqoonsanayo arimahaagana aan ka taliyo waa laba aan isa saari kari waayay.

 

Beesha caalamka haday dimuqraadiyad iyo maamul wanaag ka hadlayaan Madaxwaynaha Muqdisho iyo kuwa badan oo mandaqada ah oo xukunka ka dagi la waxa u sheeg u baahan.

Hadaba waxaa malaha haboon in waxay inagu tarayaan doorashada laga maarmo maanta waynu awoodnaa intaa iyo in ka badan.

 

Dabaysha siyaasada iyo loolanka hogaanka caalmamku waxa ku soo biiray quwado dhaqaale iyo siyaasadeed oo cusub. Dawladaha bari dunida, waxa ka mid ah kuwa kulaalaya bada Black sea oo kaalin wayn ku yeeshay is badalada( geo-political changes) bariga dhexe iyo Aasiyada dhex.

 

Somaliland aqoonsiga ay u daba fadhido ama tuugto reer galbeedka malaha xagan bariga ayuu ka dhaw yahay.

Dawlad waliba dano gaara leedahay ooy ilaashanayso.

waxa aynu leenahay mawaadiniin fara badan oo waxa ku bartay Russia, waa in aynu diplomasiydaa noolaynaa oo Russia xidhiidh la yeelanaa iyadoo imiga dib u soo noolaysay xidhiidhkii dunida ay danaha siyaasadeed ka rabaan.

waxa loo baahan yahay in la xoogeeyo xidhiidhada Russia, India, China iyo kuwo kalaba.

Reer galbeedkuna waa inay arkaan in Gacanka Cadmeed lala wadaagayo.

 

Gabagabadii sida uu ka dhawaajiyay ninka Fransiiska ah Prof. Gerard Prunier(Khabiir arimaha S/land) aqoonsi jiljilayc laguma helayo waa in aan meel kastoo dani ku jirto lala xaajooda bari iyo galbeedka.

 

Ilaah baa Mahadaa Leh

 

Somaliland Ha jirto.

 

Ahmed Maax Hassan

Maritime & Logistics Expert

tel.0633583217 – Arabsiyo

tel.25277817718 – Djibouti

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here