Laas Geel (Hargeisa Press.com): Danjiraha ururka midawga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador ayaa sheegay in buurta aataarta qadiimiga ah ee Laas Geel ay tahay dhaxal ay wada leeyihiin guud ahaanba aadanuhu.
Waxaanu ku adkeeyay madaxda Somaliland in ay ilaaliyaan dhaxalkan qadiimiga ah oo ay ku simaan jiilalka soo socda.
Mr. Nicolás Berlanga Martinez, oo safar ku yimid Somaliland ayaa booqday xarunta taariikhiga ah ee Laas Geel.
Waxaana booqashadaasi ku hogaaminayay agaasimaha waaxda aataarta taariikhiga ah ee wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland.
Danjire Nicolás, waxa kaloo uu sheegay in ay taageerayaan sifo kastoo lagu ilaalinayo Laas Geel, isla markaana ay dhawaan u soo dirayaan xubno khubaro ah.
Halkan Ka Daawo Warkaasi:
https://youtu.be/fN9CMw26CuI
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.