Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka EU U Qaabilsan Soomaaliya

0
569

Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Kadib markii danjire Nicolás Berlanga Martinez, iyo wefti uu hogaaminayo ay maanta booqasho ku yimaadeen Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha.

Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa.

Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka Somaliland.

Kuwaasoo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Waxaanu wasiir Faratoon, safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.

ALLAA     MAHAD    LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here