Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Kal-fadhiga 6aad Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
659

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalku uu marayo marxalad adag oo u baahan in si wada jira wax looga qabto gacmahana la isku qabsado si marxaladaas adag looga baxo.

Maxamed C/laahi Farmaajo, waxa uu xusay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ay ka mid yihiin nabadgeliyo xumo, dhaqaale xumo, mid siyaasadeed iyo mid bulsho ahaanba.

Iyadoo baa uu yidhi haddii awoodeena aan isugu gayno, waxyaabahaas oo dhan waan ka gudbi karnaa.

Waxaanu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dawladoodda, kuna garab istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa hadafka guud ee ah in la helo qaranimo iyo midnimo ku dhisan.

Madaxweyne Farmaajo, oo maanta khudbad ka jeedinayay furitaanka kal-fadhiga lixaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxa kaloo uu tilmaamay in ay la dagaalamayaan kooxaha xag jirka ah, isla markaana ay guulo ka gaadheen dagaalka lagula jiro kooxaha xag-jirka ah.

Intii khudbadda madaxweynuhu socotay waxaa mararka qaar hadalkiisa hakad geliyay sacab iyo heeso ay xildhibaadu ku muujinayeen siday ugu riyaaqsan yihiin khudbadiisa iyo qodobadda uu kaga hadlay.

Waxa kaloo uu sheegay in ay ku dedaaleen sidii sharaftii iyo sumcadii ummada Soomaaliya ay u soo celin lahaayeen, isla markaana ay ka go’an tahay sidii loo gaadhi lahaa qaranimo Soomaaliyeed oo waarta.

Halkan ka Daawo Khudbadii Madaxweyne Farmaajo:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY