“Laas Geel waa dhaxal ay wada leeyihiin aadamaha oo dhan”…

0
1500

Laas Geel (Hargeisa Press.com): Danjiraha ururka midawga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador ayaa  sheegay in buurta aataarta qadiimiga ah ee Laas Geel ay tahay dhaxal ay wada leeyihiin guud ahaanba aadanuhu.

Waxaanu ku adkeeyay madaxda Somaliland in ay ilaaliyaan dhaxalkan qadiimiga ah oo ay ku simaan jiilalka soo socda.

Mr. Nicolás Berlanga Martinez,  oo safar ku yimid Somaliland ayaa booqday xarunta taariikhiga ah ee Laas Geel.

Waxaana booqashadaasi ku hogaaminayay agaasimaha waaxda aataarta taariikhiga ah ee wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland.

Danjire Nicolás, waxa kaloo uu sheegay in ay taageerayaan sifo kastoo lagu ilaalinayo Laas Geel, isla markaana ay dhawaan u soo dirayaan xubno khubaro ah.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here