KULMIYE oo Soo Saaray Shuruudaha Looga Baahan-Yahay Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-Ku-xigeenka

0
811
Xisbiga KULMIYE

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa uu soo saaray shuruudaha looga baahan yahay musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga ee lagu dooranayo shirka golaha dhexe ee xisbiga.

Shirweynaha xisbiga Kulmiye oo qabsoomaya toddobaadka dambe, lagu dooranayaa musharraxiinta  xisbiga KULMIYE ku meteli doona tartanka doorashada Madaxtooyada dalka ee soo socota.

Xisbiga, ayaa ku wergeliyay musharaxiinta u tartamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka inay soo xareeyaan waraaq cadaynaysa musharaxnimadooda.

Musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga, ayaa shuruudaha lagu xidhay waxaa ka mid ah Lacag.

Musharaxa u tartamaya jagada Madaxweynaha ee xibsiga, ayaa lagu xidhay inuu bixiyo Lacag dhan 20,000 oo dollar, halka Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka lagu xidhay 15,000 oo dollar.

May be an image of text that says 'Xisbiga KULMIYE Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL KULMIYE KULMIYE Party Somaliland Unity and Development Party +252634093555, Emaickalmiyemanager@gmail.com Ogaysiis ku socda Hogaanka Xisbiga iyo Xubnaha Golaha Dhexe 15/8/2023 Mudanayaal; Waxa la ogaysiinayaa Musharraxa Jagada Madaweynaha Musharraxa jagada Madaxweyne u-xigeenka ee xisbiga KULMIYE inay soo xareeyaan waraaq caddaynaysa musharaxnimadooda iyo inay bixiyaan lacagta musharrax nimada oo kala ah sidan hoos ku xusan:- I.Musharraxajgada Madaxweynaha $20,000 (Labaatan kun 00 doolar) 2.Musharraxa Jagada Madaxweyne ku-Xigeenka $15,000 (Shan iyo toban kun oo doolar). Qabashada waraaquhu waxay xidhmayaan 18.08.2023. Alia Mahad Leh KULMIYE MIDNIMADA DHEXE Axmed Cabdi Xuseen Guddoomiye ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye'

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here