Somaliland iyo ICRC oo Ka Wadahadlay Xaaladda Dadkii Ka Barakacay Laascaanood

0
2960

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Mustafe Cumar Faarax, ayaa waxaa uu xafiiskiisa ku qaabiley saraakiil ka socday Hay’adda International Committee of The Red Cross (ICRC).

Kulanka agaasimaha iyo saraakiisaha hay’adda ICRC, oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa intii uu socday waxa lagaga wadahadlay arimo khuseeya bina’aadanimada oo ay sababeen khilaafka magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaa kale oo ay Agaasimaha Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Hay’adda ICRC ay kulanka kaga wadahadleen sidii caawimo loo gaadhsiin lahaa dadka ku barakacay colaada magaalada Laascaanood.

Agaasimaha, ayaa saraakiisha u sheegay in dowladda Somaliland siyaasadeedu tahay ilaalinta xuquuqda bulshaweynta ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Agaasimaha, ayaa saraakiisha hay’adda ICRC, ku wargeliyay in Maleeshiyaadka ka dagaalamaya gudaha magaalada Laascaanood ay fadhiisimo ka dhigteen xarumaha loogu adeego bulshada, sida cisbitaalada, iyo iskuullada.

Ugu dambayn, waxay isla af-garteen Agaasimaha guud Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ha’yadda International Committee of The Red Cross (ICRC) inay yeeshaan kulamo dambe iyo xidhiidh joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here