Kulankii Dhalinyarada Ururka Kaabe Public Health iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen.+ SAWIRRO

0
1061

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan is xogwaraysi ah oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada aqoonyahanka jaamacadaha KAABE PUBLIC HEALTH, oo ay kusoo marti qaadeen  Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa caawa ka qabsoontay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa.

 

kulankan oo ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi xaaladaha guud ee dalka ka jira iyo duruufaha adag ee ku xeeran mustaqbalka dhalinyarada sida looga bixi karo, halkaas oo su,aalo aad u tiro badan ay ku waydiiyeen Musharax Jamaal Cali Xuseen, dhamaan su,aalahaana uga jawaabay si Aqoon iyo Cilmi ku dhisan una soo bandhigay qorshayaashiisa mustaqabalka iyo doorka dhalinyarada  hadii uu ku guulaysto hogaaminta talada dalka, sidoo kalana u iftiimiyay in isbadalka uu dalkani u baahan yahay uu maanta ku jiro gacanta dhalinyarada reer Somaliland.

13225055_612524895564573_1404467245_o

Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Kaabe Public Health, Dr. Cabdiqani Xaamud Cawaale oo sharaxaad ka bixiyay ujeedooyinka loo aasaasay ururkan ay ku bahoobeen bahda caafimaadka iyo aqoonyahanka ku kala nool Gobolada Somaliland. Waxaanu halkaas ugu mahadnaqay casuumada ay u fidiyeen musharax Jamaal cali xuseen si uu ula wadaago danaha iyo duruufaha ku gedaaman dhalinyarata dalka oo manta intooda badan ay ku dhacday niyad jab mustaqbal oo gaadhay inay badaha ku haligaan naftooda, balse aanu ku dadaalayno sidii aanu dhalinyarta ugu qancin lahayn inay dalkooda aaminaan oo ay u diyaar garoobaan halganka nolosha kana qayb qaataan isbadalka uu manta dalku u baahan yahay, waxa kaliya ee manta duulimaad lagu yahayna ay tahay Mustaqabalkii dhalinyarada reer Somaliland.

13225045_612524795564583_801281041_o

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hor inta aan su,aalaha la waydiin, qudbad dheer halkaas ka jeediyay ayaa ka waramay xaalada uu maanta dalku ku suganyahay isagoo kazoo sheekeeyay marxaladahii kala duiwanaa ee dalku soo maray, waxaanu dhalinyarada u iftiimayay in aanu wadankan u iman inuu ka shaqaysto balse uu doonayo inuu u shaqeeyo waxaanu yidhi “maanta dalkan umaan iman inaan ka shaqaysto oo aan hantidooda boobo balse waxaan u imid inaan umadayda u shaqeeyo inta aan xooga leeyahay ee aanan Odayga noqon, waxaan doonayaa inaan dalkan siyaasadiisa wax ka badalo oo aanu noqon meel loosoo nasasho tago ama qofku waqtiga uu shaqada ka fadhiisto uu siyaasada soo galo oo halkaas uu ku lumo jaaniskii dhalinyaradu ku yeelan lahayd inay dalkooda u shaqeeyaan”.

13242056_612524835564579_2115806290_o

Sidoo kale waxa uu xusay sida maanta dalku ugu baahanyahay isbadal hogaamineed (leadership change), si meesha looga saaro siyaasiga 70 jirka ah ee dhawr iyo labaatankaa sano ina hortaagnaa oo siyaasadii Somaliland ka dhigay Hagbad ay qoloba maalin qaadanayso oo lagu odhanayo waa markayagii. Waxaanu xusay in maanta loo baahanyahay sidii nolosha bulshada rayidka ah kor loogu soo qaadi lahaa, taasina ay imanayso marka dhaqaalaha wax laga qabto “Somaliland saddex shay ayay u baahantahay in xooga la saaro.

13242347_612524865564576_1880011471_o

1. Dhaqaalaha in wax laga qabto oo dadka shaqo abuur loo sameeyo oo shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo aan lasiinin qof ajaanib ah oo financial institutions la dhsio oo Central Bank shaqeeyo oo laga shaqaysiiyo lacagteena jiifta iyo private sectors ka 2. Hogaaminta iyo Maamulka waa in lasameeyo nidaam dawladeed oo kala saaraya masuuliyada iyo waajibaadka shaqo waxaynu ognahay xukuumada maanta jirta lack of administration ka badan ee ka jira 3. International Relation, in la sameeyo siyaasad cad oo ku salaysan xidhiidhka beesha caalamka iyo qadiyada madaxbanaanida Somaliland, taas u baahan siyaasada dhaqaale iyo qorshe lagaga hawlgaliyo qadiyadeena iyadoo laga bilaabayo wadamada jaarka ee Africa sida Ethiopia iyo Kenya iyo kuwa kale ee Africa”.

13234797_612524792231250_1871100002_o

Intaa kadib waxa ay dhalinyaradii madasha joogtay su,aalo aad u badan waydiiyeen Musharax Jamaal cali xuseen halkaas oo mid walba uga jawaabay si aqoon iyo cilmi ku fadhida dhalinyaradiina ay aad ugu qanceen su,aalahii ay waydiiyeen jawaabahoodii, runtii wuxuu kulan aad u qiimo badan oo lagu kala faa,iidaystay waxyaabo badan oo dalkan iyo dadkaba badbaadiisa iyo horumarkiisa ah. Waxaanay ahayd madal jawigeeda uu hadheeyay farxad iyo aqoon korodhsi dhalinyartii joogtay waxay ku qanceen in Jamaal cali xuseen yahay shakhsi hogaamintiisa baahi wayn loo qabo iyagoo ku tilmaamay inuu yahay qof ku haboon inuu dalkan madaxweyne ka noqdo marka loo eego Musharaxiinta dhigiisa ah ee tartanku ka dhexeeyo, waxaanay balan qaadeen in ay si toosa ula shaqayn doonaan musharaxa iyagoon u eegayn reernimo ama isku reer baad tihiin waxaanay madasha ka cadeeyeen inaanay reernimo ku taageerin balse ay aqoontiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa Jamaal cali xuseen ay kula socdaan. Waxaanay munaasibadaasi kusoo dhamaatay jawi faraxadeed oo aad u saraysa.

 

13214876_612524845564578_2046088571_o

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here