Kulan Lagu Dersayo Caqabaha Haysta Wax-Soo-Saarka Beeraha Dalka Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
692

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland Dr. Maxamed Cali Maax, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furay kulan lagu dersayay caqabadaha ku gedaaman wax-soo-saarka beeraha dalka.

Kulankaasi oo soconaya laba maalmood ayaa lagu faaqidi doonaa caqabadaha ku gedaaman horumarinta wax-soo-saarka beeraha Somaliland iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay saraakiil ka socday qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah ee ay wadda shaqaynta leeyihiin wasaaradda beeraha Somaliland ee ka taageeradda dhinaca wax-soo-saarka.

Sidoo kale waxaa kulankaasi joogay masuuliyiin ka socday wasaaradda beeraha Somaliland oo ka kala yimid goboladda dalka iyo sidoo kale xubno ka socday iskaashatadda beeralayda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha oo furitaanka kulan hawleedkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay caqabadaha ku gedaaman wax-soo-saarka beeraha dalka iyo ajendeyaasha lagaga gudbi karo caqabahaasi.

Waxaanu sheegay Dr. Maxamed Cali Maax, in iyadoo wasaaradu kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay ku dedaashay sidii loo kobcin lahaa wax-soo-saarka dalka.

Waxaanu yidhi, “Ummadi marka ay doonayso in ay horumarto, waa in ay marka u horaysa heshaa wixii ay quudan lahayd ama ay cuni lahayd.

Iyadoo taa laga jaan-qaadayo wasaaradda beeruhu waxay isku dayday in la kobciyo ama waajibaadkeeduba yahay kobcinta wax-soo-saarka.

Iyadoo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, ee ku hawlan wax-soo-saarka, oo ay ka bilaabanto Siidhka, ilaa soo goynteedda ilaa iyo gaadiidka rarrayay, waa sil-silad dheer”.

Dr. Maxamed Cali Maax, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay muhiimadda kulankaasi iyo waxyaabaha diiradda lagu saari doono.

“Muhiimadda tababarkani labadda cisho soconayaa uu leeyahay waxay tahay, bal in aanu helno caqabadaha hor taagan wax-soo-saarka beeraha ee dalka”ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda beeruhu.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda beeruhu waxa uu sheegay in labadii sanadood ee u danbeeyay ay ku dedaaleen sidii loo hubin lahaa tayadda Siidhka dalka soo gelaya.

Iyadoo Siidh kastoo dalka soo gelaya ay soo mariyaan Shaybaadhka wasaaradda beeraha, isla markaana ay taasi keentay in aanu dalka soo gelin ama la keenin Siidh aan la baadhin.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Labadii sanadood ee u danbeeyay xakamayn ayaanu ku samanay Siidhka dalka soo gelaya, taasoo yaraynaysa dhibaatooyinka ay ka midka yihiin cuduradda beeraha ku dhaca, ay ka mid yihiin wax-soo-saarka midhaha oo hoos u  dhaca.

Taasi markaa waxay keentay in waxoogaa is-bedel ah uu halkaa ka yimaado, oo wadanka aan maanta odhan karo 80% Siidhka wadanka soo gelaaa, wuxuu soo maraa wasaaradda horumarinta beeraha, oo leh  shaybaadh lagu hubiyo tayadda Siidhka.

Wadan waliba waxa uu horumaraa, marka la eego tayadda waxyaabaha khuseeya beeraha, ee wadanka soo gelaya”.

Dhinaca kale waxaa halkaas hadal ka jeediyay masuuliyiin ka socday qaar ka mida hay’adaha caalamaiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee wasaaradda beeraha kala shaqeeya arrimaha beeraha iyo wax-soo-saarka.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here