Kulan Dhexmay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Jaaliyada Reer Somaliland Bristol + SAWIRRO

0
898

Bristol, (HargeisaPress) —Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo safar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Jaaliyada Reer Somaliland ee Ingiriiska.

11220828_10153039152462469_4656499071971059430_n

“Waxa aan kulan ballaadhan la yeeshay la yeelanay Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Bristol,” ayuu yidhi Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo qoraal kooban ku faafiyey bogga facebook ee uu ku leeyahay internet-ka maanta.

11220940_10153039152337469_6021957157816827877_n

Waxaanu Maanta kulan Balaadhan la yeelanay Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Bristol iyaga oo ugu horeyn nagu maamusey Qado , ka dibna Galabka waxaanu iskugu nimid kulan is xog wareysi ah oo ay ka soo qayb galeen Bulsho weynta ku nool Magaalada Bristol.

11694002_10153039152272469_2745626536247483339_n

Waxaananu warbixin ka siinay halka uu Maraayo Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Caasimada Hargeysa iyaga oo na waydiiyay su’aalo badan oo ku saabsan mashruuca waananu uga jawaabneyn dhamaan su’aalihii ay na waydiiyeen Bulsho weyntu , waxaana kulankaa igu wahelinayey Safiirka Wareega ee Somaliland Mr Kayser , Kamaal iyo Xasan.

11825112_10153039152532469_5117824738533882882_n

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here