Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminaayey Oo ku sugan Burco ayaa Mashaariic tiro badan dhagax dhigay kuwo kalena furay + SAWIRRO

0
862

Burco, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo maalintii 8aad ku sugan burco ayaa mashaariic tiro badan dhagax dhigay kuwo kalena furay.

burco 31

Madaxweynaha oo saaka u dhaqaaqay hirgelinta iyo fulinta mashaariic aad u tiro badan oon hore uga dhicin magaalada burco xadhiga ka jaray kuwo kalena furay, mashaariicdaas oo isugu jirtay, laba wado oo isu geynteedu tahay 2.5km oo u kala baydhidoonta Dugsiga Farsamada Gacanta burco iyo ceelka Saleebaan kulul, wadada saylaca oo la dhagax dhigay, Solarta jidadka waa weyn ee burco oo madaxweynuhu xadhiga ka jaray, laba wado oo kale oo 2Km iyo 30m oo xaafada October, 4 taangi biyood oo kaydka biyaha burco lagu soo kordhiyey oo madaxweynuhu furay lagana dhisay xaafadaha Sheekh Bashiir, Buqleeya, Jarmalka iyo If iyo aakhiro kuwaasi oo ay iska kaashadeen dawlada hoose iyo Wasaaradda biyuhu, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay laba Taangi biyood oo lagu dari doono kuwaa hore, iyo furitaanka guriga haween weynaha Now iyo library loo dhisay ururka akhristayaasha ee Halkaraan.

 

burco 21

guud ahaan mashaariicda wadooyinka ee uu madaxweynuhu dhagax dhigay maanta ayaa maamulka heer degmo iyo heer gobolba sheegeen inay tahay 12km oo isku wareega.

 

burco 23

waxa xusid mudan in madaxweynaha qaranku xalay shir balaadhan oo lagaga hadlaayey xaalada iyo horumarka gobolka uu la qaatay madaxdhaqameedka iyo odayaasha gobolka togdheer shirkaas oo ku dhamaaday is fahan iyo is afgarad ayaa ahaa mid  ka qabsoomay guriga martida ee burco madaxweynuhuna uu madaxdhaqameedka iyo odayaasha ku hambalyeeyey isku duubnida iyo wada shaqaynta qotada dheer ee ka dhaxaysa.

 

burco 45

ka dibna waxa uu weftiga madaxweynuhu u soo kicitimeen dhinaca gobolka Saaxil waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh oo uu ka dhagax dhigay laba mashruuc oo kala ah dhagax-dhiga wadada dariiqada oo dhererkeedu yahay 1m iyo 60m iyo balaadhinta dawlada hoose, ka dibna waxa uu madaxweynuhu shacbiga kala hadlay fagaaraha isaga oo uga mahadnaqay soo dhawaynta qiimaha badan ee ay weftiga iyo madaxweynaha ku qaabileen, waxaanay weftigu socdaalkooda ka sii wateen halkaasi.

burco 43

burco 238

burco 367

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here