Kulan Dhex Maray Wasiirka Deegaanka iyo Maayarka Hargaysa

0
383

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaaradda Deegaanka iyo Horumarunta Reer Miyiga Marwo Shukri x. Ismaaciil baanddare  oo uu Weheliyo  Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Deegaanka Abdinaasir Ahmed xirsi.

Waxa ay saaka kulan is Xogwataysi ah kula yeesheen Xarunta Wasaaradda Deegaanka Maayarka Madagaalada Hargaysa Mudane C/kariin Axmed Mooge iyo Ku xigeen kiisa Khadar Ahmed Cali.

Kulankaa Waxaa diiradadda lagu saaray sidii Wax looga Qaban lahaa ama loo maarayn lahaa Qashinka, Xoolaha Magaalada lagu dhex dhaqdo, Beerista Dhirta iyo waxyaaha kale ee kor kor loogu qaadayo bilicda iyo Fayadhowrka Caasimada.

Kulanka ka dib Waxaa Masuuliyiinta Waaaaradda Deeganka iyo Maayarku kulan wada jir ah la qaateen Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb. Siciid Jibril, waxaa laysla falan qeeyay 4 Milyan oo Geed ah oo Dawladda Itoibiya ugu deeqday Somaliland sidii si Wada jir ah looga wada Shaqayn lahaa Keenista iyo Beerista dhirtaas.

Ugu Danbayn Wasiirka iyo Maayarku waxay Safiirka iyo Dawlada Itoobita uga mahadnaqeen deeqdaa dhirta ah oo ay ku tilmaameen in ay kor u sii qaadayso xidhiidh kii derisno iyo Isku xidhnaasaha labada dal. Waxaanay ballan  qaadeen in ay Sonaliland Ka faa’iidaysan doonto dhirtaas.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here