Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland

0
717

Hargeisa, 29 January 2020 – Md. Adam Abdelmoula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho kuyimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimahabani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarintaSomaliland. Wuxu sidoo kale kulano la mid ah la qaatayhay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay. Adam wuxu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay1999 ilaa 2002 hase ahaatee safarkani waa kiisii ugu horreeyeytan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QaramadaMidoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyoIsuduwaha Arrimaha Bani’aadanimo.

Md. Adam Abdelmoula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdelmoula wuxu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax loogaqaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynuog nahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday iyo barakaca bulshaduayuu yidhi Adam. Wuxu intaa raaciyeyTaasi maaha wax lalayaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa kudhawaad 20kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxayna taasi innoosheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaababcusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.”

Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee XoghayahaGuud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshayntaiyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhiwuxu yidhiWaxan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimahahorumarinta iyadoo aanu hadda ku gudo jirno diyaarintaHannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”.

Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdelmoula wuxu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM.

Dhammaad

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh Olga Cherevko: cherevko-barrett@un.org ama Mustafe Khaire: Mustafe.khaire@one.un.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here