Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulan hawleed ku saabsan Horumarinta Saxaafadda Somaliland.

0
924

Hargeysa,(HargeisaPress)-Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa caasimadda Hargeysa ka furay Kulan heer sare ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa Saxaafadda Somaliland isla markaana looga gudbi lahaa caqabadahajira.

Shirkaasi waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka qorshaynta, wakiilka Somaliland ee dalka Ingiriiska, Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimaha gudida xuquuqul insaanka, taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska, xeer ilaaliyaha guud, Guddoomiyaha ururka Solja, daneeyeyaasha arrimaha warbaahinta Somaliland iyo xubno kamid ah Saxaafadda dalka.

Masuuliyiinta kala duwan ee kulankaas kasoo qayb galay ayaa dhamaantood tilmaamay kuna dheeraaday sidii loo horumarin lahaa warbaahinta dalka.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shirkaasi furay.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay xukuumaddu diyaar u tahay kobcinta iyo horumarinta warbaahinta iyo Saxafiyiinta Somaliland. Sidoo kalena loo baahan yahay in warbaahintu ilaaliso xuquuqda bulshada   waxyaabaha ay tabinaysaana ay noqdaan kuwo xaqiiqo ah oo dheeli tiran.

Wasiirku waxa uu u mahad naqay dhamaanba kasoo qayb galeyaasha kulankaasi. Isagoo suxufiyiinta dalka kula dardaarmay dadaalka la galiyay inaan dib loo celin oo la ixtiraamo madax banaanida dawladnimada iyo wada jirka shacabka Somaliland taasna ay tahay waajibaad saaran warbaahinta.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here