Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland Oo Umadda Ka Tacsiyeey Geerida Ku Timid Marxuum Chief-caaqil Abokor Xasan Dhunkaal

0
1047

Madaxweyne ku xigeenka SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahiIsmaaciil  (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Somaliland iyo ehelka iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Chief-caaqil Abokor Xasan Dhunkaal oo ku geeriyooday dalka yemen. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxweynaha somaliland oo goor dhaweyd na soo gaadhay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu tacsi u dirayaa Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Chief Caaqil Abokor Xasan Dhunkaal oo ku geeriyooday  Dalka Yaman.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu  Marxuumka ku tilmaamay oday dhaqameed taariikh ma guurto ah ku leh dalka kana soo shaqeeyey dib u dhiska dalka iyo dadkaba wakhtigii uu xilka chief caaqilka ahaana lagu xasuusan doono sidii qiimaha badnayd ee uu uga dhex muuqan jiray shacbiga isaga oo u adeegaya dadkiisa iyo dalkiisaba, waxaanu ALLE uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Garaadada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Cuqaasha, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan saadiqa ALLE ka siiyo.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here