Dadkii ku Geeriyooday Diyaaraddii Bariga Ukrain Lagu soo Riday Oo Meydadkooda Loo Qaaday Dalka Holland

0
1106

malesiya AirAmsterdam, (HargeisaPress) — Diyaarado Militeri oo Laga Leeyahay Dalka Holland, ayaa ka soo duushay dalka Ukrain, iyadoo sidda Meydadka Dakii ku geeriyooday Diyaaraddii lagu soo riday Bariga Ukrain.

Dawlada Holland ayaa sheegtay inay diyaarisay guddi gaar ah oo qaabilsan aas qaran oo loo sameyn doono meydadka la geynayo dalkaas.

In ka badan 190 ruux oo ka mid ah ahaa ku dhawaad 295 ruux oo  diyaaradda lasoo riday ku geeriyooday ayaa dalka Holland u dhashay waxaana xukuumadda Netherland ay ku dhawaaqday maalmo baroordiiq ah.

Dhanka kale sanduuqa madow ee diyaaradda Malaysian Airlines ee dhawaan dalka Ukraine lagu soo riday ayaa isna la geeyay dalka Ingiriiska halkaasoo khubaro dhanka diyaaradaha ah ay baadhis ku sameyn doonaan.

Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa Boeing 777-200 duulimaadkeeduna ahaa MH17 ayaa 17 kii bishan July 17 ku bur burtay bariga dalka Ukraine oo ah dhul ay gacanta ku hayaan kooxo gooni u goosad dawlada Ukraine ku kacsan.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here