KENYA: Pope Francis Oo ugu baaqay Muslimiinta iyo Kirishtanka Kenya inay Wada-shaqeeyaan + SAWIRRO

0
946

Nairobi, (HargeisaPress) — Baadariga ugu sarreeya madhabta Roman Catholic ee diinta masiixiga ayaa maanta hoggaamiyayaal muslimiin iyo kirishtaan ah xarunta dalka Kenya ee Nairobi ugu sheegay inay wada-hadlaan si ay mayal-adeegnimada iyo ficilada ku dhisn rabshadaha ay isaga ilaaliyaan.

BN-LL538_pope11_J_20151126070017

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isagoo ka hadlay kulan diimeed ka dhacay safaaradda Vatican ee magaalada Nairobi ayuu Pope Francis wuxuu sheegay in wada-hadalka diimaha uu yahay muhiim ee aanu ahayn ikhtiyaar.

BN-LL537_pope11_J_20151126070003

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay rabshado dhowr ahaa oo ka dhacay Kenya sida; weerarradii Jaamacadda Gaarisa iyo Suqua Westgate oo boqolaal qof lagu dilay, kuwaasoo ay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya sheegatay.

Pope Francis

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Pope Francis oo booqasho ku maraya dalal Afrika ka tirsan ayaa la filayaa inuu booqdo xerooyin qaxooti iyo masjiddo ku yaalla dalka Jahuuiryada Bartamaha Afrika oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta ku nool dalkaas.

BN-LL540_pope11_J_20151126070017

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xalinta khilaafyada muslimiinta iyo kirishtaanka waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ujeedooyinka safarka uu Pope Francis ku tagayo dalal ka tirsan kuwa Qaaradda Afrika ku yaalla.

 

 

Pope Francis Visits Africa: In Pictures

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here