Imaaraadka Carabta Oo Afar Wadan Oo Somaliland Ku Jirto Ka Mamnuucay Inay Dalkeedda Baabuur Ka Dhoofsadaan

0
828

Dubai, UAE  (HargeisaPress) — Xukuumadda dalka isu-taga Imaraddka Carabta UAE, ayaa shalay amar ku soo rogtay ganacsatadda dhamaan 4 wadan oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya, Djibouti iyo Yemen oo ka soo iibsan jiray gaadiidka, isla markaana u iib geyn jiray afartaa wadan marka ay u soo dhoofiyaan dalalkooda.

 

Inkastoo aan si cad loo sheegin sababta dhabta ah ee ka dambaysa go’aanka dawladda Imaaraatka Carabtu qaadatay, haddana waxaa loo arkaa amarkan ka soo baxay dowladda UAE inuu ka dhashay arrimo ku salaysan dhinaca amniga, iyadoo laga shaki qabo in gaadiidkan qaarkood laga iibiyo kooxda Xuutiyiinta ama xoogaga kale ee ka dagaalamaya dalka Yemen, isla markaana ay Gaashaan-buurta waddamada Carabta ee ay Imaaraadku ka mid tahay dagaalka kula jiraan.

 

Qaar ka mid ah ganacsatadda reer Somaliland oo ku sugan magaaladda Dubai ee isu-tagaa Imaaraadka Carabta oo aanu xidhiidh la samayney ayaa u xaqiijiyey wargeyska Saxafi in  Xukuumadda Imaaraadka Carabta masuuliyiinteedu ku war geliyeen dhamaan ganacsatadda 4-ta wadan in la joojiyay dhoofinta gaadiidka, iyadoo lagu amray inay soo celiyaan gaadiidkii u yaalay dalka Gudihiisa, islamarkaana ay xukuumaddu u celiso lacagta ka baxday, waxana ay dowladda Imaaraadka Carabtu ku sababeysay amarkaas sababo la xidhiidha dhinaca amaanka sida ay sheegeen ganacsatadda ku sugan magaladda Dubai.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here