Jaamacada ADMAS Oo Xalay Xaflad U qabatay Bilawga Waxbarasha Heerka Masterka Ah + SAWIRRO

0
896

HARGEISA, (HargeisaPress) — Jaamacada Admas ayaa xalay xaflad u qabatay bilawga ay ku shaacinayso inay bilaabayso waxbarashada heerka Master ka.Xafladan oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan oo ka kooban qaybaha bulshada sida  madaxda dawlada, shaqaalaha shirkadaha waawayn ee dalka ka shaqeeya , ardaydii jaamacad admas hore uga qalin jabisay qaybaheeda kala duwan iyo sidoo kale macalimiinta dhigi doonta waxbarashada Masterka oo ay ka keeneen dalka dibadiisa.

12309150_837923499667286_1888640332_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana faahfaahin kabixiyay ujeedada xaflada ay jaamacadu uqabatay Madaxwayne ku-xigeenka Jaamacada Admas Mr Xuseen Cabdilaahi Maxamuud oo ku dheeraaday qaabka ay jaamacada admas ubixin doonta wax barashadan cusub ee ay soo kordhisay, waxyaabaha ay ahmiyada siiyeen iyo sida  ay ugu suuro gashay inay  keenaan macalimiin tayo leh “Barnaamijkani wakhti dheer ayuu soo qaatay inuu bilaabmo , gabi ahaana barnaamijkani wuu ka duwanaan doonaa barnaamijkii heerka digriiga ahaa , haday noqoto xaga tayada, sida uu ubixi doono iyo macalimiinta dhigidoonta intaba, intii aanu wadnay barnaamijkan su’aalaha nala waydiin jiray ee ugu badnayd waxay ahayd yaa dhigi doona, su’aashaasi waxay jaamacadu idiin balanqaadaysaa inay dhigi doonaan barnaamijkan boqolkiiba shan iyo sagaashan macalimiin BHD ah iyo wixii ka sareeya” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka jaamaca Admas;12285851_837923556333947_1621688195_n

 

 

 

Waxa uu intaasi raaciyay madaxwayne ku-xigeenka jaamacadu in barnaamijkan  uu yeelan doona qayb online ah, waxa uu sidoo kale yeelan doonaa Digital Laybareeri  oo uu ardaygu si fufudu uga tixraaci karo.

12319373_837923239667312_1008897819_n

 

 

Waxa uu  madaxwayne ku-xigeenku sheegay inay meesha ay awooda saareen tahay tayada Barnaamijkan uu yeelan doono oo uu sheegay inay keeneen macalimiin tayadoodu sarayso oo wax kadhiga jaamacaha caalamka sida kuwa kuyaala maraykanka12309442_837923559667280_15879104_n

 

 

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay munaasibadii Xalay madaxwaynaha Jaamacada Admas Mr. Ixsaan oo ardayda usoo jeediyay inay waxbarashadu qiimo wayn uleedahay nolasha bini aadamka taasi awgeedna ay ardaydu korodhsadaan wax barashadooda kana faa’iidaystaan jaaniskan qaaliga ah ee ay jaamacada admas ay ugu keentay dalkoodii hooyo.

12305485_837923203000649_1808038782_n

 

Dhamaan macalimiintii iyo masuuliyiintii kahadlay xaflada ay  jaamacada Admas uqabatay bilawga  wax barashada Masterka ah ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay in la korodhsado wax barashada.

 

12285851_837923543000615_416437317_n

 

Jaamacada admas ayaa kamida jaamacadaha ugu caansan geeska Afrika iyadoo darajadaana ku gaadhay tayada tacliinta ay bixiso iyo maamulka jaamacada oo ah  maamul ay ka go’antahay inay ardayda ukeenaan barayaal tayo leh.

12309308_837923209667315_776828036_n

12285616_837923213000648_973887097_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here