KENYA: Ku Dhawaad 20-Qof Oo Siyaabo Kala Duwan Ugu Geeriyooday Roobab Ka Da’ay Dalka

0
1055

Nairobi, (HargeisaPress) — Roobab mahiigaan ah oo dhawaanahaan ka da’ay gobalada kala duwan ee wadanka Kenya, ayaa waxey sababeen dhimashada ku dhawaad labaan qof iyo waliba qasaare hantiyadeed.

 

Shan qof, ayaa la xaqiijiyay talaadadii aynu soo dhaafnay iney ku dhinteen, halka boqolaal kalana ay ku barakaceen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay deegaanka Mount Elgon oo ku yaalla meel aan ka fogeyn xuduuda kala barto wadamada Kenya iyo Uganda.

 

Saddex kamid ah shantaas qof ee dhimatay, ayaa la sheegay iney ku soo rogmeen Dhoobo iyo Biyo is wato.Dhanka kale Jasiirada Migingo oo ay ku muransan yihiin dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa roobab mahiigaan ah oo ka da’ay waxey guryo tireen 40-qof oo ka mid ahaa kalluumey-satada jaziiradaas, kaddib markii guryahoodii uu daad qaaday.

 

Habeenadii aynu soo dhaafnay Roobab xoogan oo ka da’ay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, ayaa iyaguna waxey sababeen iney xirmaan qaar kamid ah wadooyinka waa weyn ee dhex maro magaalada oo ay biyo fariisteen, iyo waliba iney Daadad qaadeen qaar kamid ah guryaha ku yaallo xaafadaha dhaco dhanka bari ee Magaalada oo ay dagan yihiin dad sabool ah.

Magaalada_Nairobi_Roobab_660

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka gobalka ay Somalidu ka dagto Kenya ee Waqooyi-bari, ayaa wararka laga helaayo waxey sheegayaan in magaalada Gaarisa ay cabsi la soo daristay boqolaal qof oo ku noolaa agagaarka wabiga Tana River, kuwaasoo qarka u saaran iney ka cararaan guryahoodi kaddib markii ay daadad xoogan u soo galeen. Halka magaalada Mandheera-na ilaa 7 qof laga bad-baadiyay Daadad  saameyay Magaaladaas.

 

Dowlada Kenya, ayaa horay waxey u sheegtay iney ugu tala-gashay gurmadka roobabka El-nino lacag dhan 5 Bilyan oo lacagta Kenya ah, si loogu caawiyo dadka ay dhibaatadu gaartay.

 

Dhammaan ismaamulada ama County-yada Kenya, ayaa lacago kala duwan u qorsheeyay gurmadka fatahaada iyo daadadka ay sababeen roobabka hada Kenya ka da’aayo.

 

Dhanka kale Nadiif Jaamac oo ah Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari, ayaa sheegay in boqolaal milyan ay ugu tala galeen gurmadka El-nino wuxuuna sidoo kale sheegay iney lacagahaas wax ugu qaban doonaan dadka ay roobabku saameeyeen.

 

 

 

Najah Mohamed Ali

najah.moha@gmail.com | najah.moha@journalist.com

Nairobi – Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here