Kenya Airways oo War Ka Soo Saartay Duulimaadyadii Ay Ka Billaabaysay Somaliland

0
1662

Nairobi (Hargeisa Press) – Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ayaa waxaa ay war ka soo saartay duulimaadyadii ay ka billaabaysay dalka Somaliland.

Shirkadda Kenya Airways, ayaa sheegtay in weli uu hakad ku jiro qorshihii ay ku billaabaysay duulimaadyadda isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa, sida lagu sheegay war lagu baahiyay boga shirkadda ee Facbook.

Kenya Airways, ayaana waxaa ay beenisay warar shalay soo baxay oo ku saabsanaa duulimaadyadda Somaliland ay ka bilaabayso.

“Kenya Airways waxay doonaysaa inay caddayso in qorshaha lagu billaabayo duulimaadyada Hargeysa, Somaliland ay imika hakad ku jiraan, iyada oo la sugayo ogolaansho iyo ansixin loo baahan yahay,” ayaa lagu yidhii qoraal ay shirkaddu soo saartay.

“Ma jiraan wax duulimaadyo ah oo imika shaqaynaya oo aan leenahay, si ka duwan wararka la wareejinayo baraha bulshada.”

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, ayaa hore u shaacisay in 28 bisha May ee sannadka ay bilaabayso duulimaadyada tooska ah ee hargeysa iyo Nairobi.

Dawladdaha Kenya iyo Somaliland, ayaa dhammaadka sannadkii 2020 ku heshiiyay in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshaya Magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

Kenya Airways, ayaa sheegtay in maalmaha Axada, Jimcaha iyo Arbacad ay duullimaadyo toos ah ku imanayso garoonka caalamiga ah ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here