Jigjiga oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Xad-gudubyadii Loo Gaystay Maxaabiistii Jeel Ogaden

0
1038
Jeel Ogaden
Jeel Ogaden

Jigjiga (Hargeisa Press) – Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa maanta lagu qabtay xuska maalinta xad gudubyadii loo gaystay maxaabiistii ku xidhnayd Jeel-ogadeen.

Xuskan ayaa waxa soo diyaariyay Ururka Dhibanayaasha Jeel Ogaden, kuwaas oo dhibaato iyo tacaddi ka soo gaadhay mudadii ay ku jireen Jeelkii albaabada loo laabay ee Jeel Ogaden.

Haddaba xuskan ayaa waxaa ka soo qayb galay Ururada bulshadada, Aqoonyahanka deegaanka, Odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Waxaana lagaga hadlay dhibaatadii kala duwanaa ee lagula kacay maxaabiistii Jeel-ogaadeen, taasi oo xanuun badan ka soo gaadhay shacabka Deegaanka Sooomaalida, wakhti xaadirkanna ay jiraan dad la dhibaataysan jidh-dilkii iyo gabood-falkii loo geystay maxaabiistii Jeel-ogaadeen. walow ay jiraan dad ay xukuumadda dowlad deegaanku dibada u dirtay si loo daaweeyo dadkaasi oo ahaa kuwii ugu darnaa ee dhibanayaasha.

Sidoo kale, Waxa xuskan hadal ka jeediyay Maareeyaha Ururka Dhibanayaasha ee Deegaanka Soomaalida Maxammed Maxammuud Maxamed oo sheegay in ururka sababta loo aas-aasay ay tahay in dhibaatada bulshada deegaanka ka soo gaadhay Jeel-ogaadeen inay tahay mid lama-ilaawaan ah, islamarkaana u baahan in la xuso sannad kasta 6-da bisha Abriil (April).

Xuskan ayaa waxaa inta badan la xusaa bisha April 6 deeda sannad kasta, iyadoo xuskanina yahay kii labaad ee la xuso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here