Dablay Hubaysan oo Laba Nin Ku Dilay Degmada Qorilugud

0
3229
Degmada Qorilugud
Degmada Qorilugud

Qorilugud (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya degmada Qurilugud ee gobolka Buuhoodle ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaankaasi lagu dilay laba nin.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaas ku darayaan in labadan nin ay fiidnimadii caawa dileen dablay hubaysani oo aan haybtooda la aqoonsan.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in Labada nin mid ka mid ahi yahay dhaawac culus halka ka kalena dhintay.

Lama oga ilaa iyo hada sababta loo dilay labada nin, iyadoona lagu soo waramayo in Dablaydii weerarka fulisay ay goobta ka baxsadeen.

Labadan marxuum ayaa la sheegay in galabta magaaladda Buuhoodle ka yimaadeen si ay kaadhka codbixinta uga qataan degmada Qurulugud.

Arintan ayaa la aamin sanyahay in ay la xidhiidho aanooyin qabiil oo salka ku haya Colaado mudo soo taagnaa.

Xukuumada Somaliland iyo Ciidamada amniga ayaa ilaa hada ka hadal dilkan ka dhacay degmada Qorilugud.

LEAVE A REPLY