SOMALILAND SE DAYNTA IYO DAWARRADA MAANTA MID AY KA XORROWDAY AYAA JIRTA!
Taariikhda intii ay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed tamarineysay, Soomaali waxa haystay baahi uun bay ahayd. Baahi ay keentay qorshe la’aan siyaasaddeed.
Dawladdii Aadan Cadde iyada oo aan irbad dun galin ayey khaatumaysatay. Malaha marka si loo fiirsho iyada ayaaba waxoogaa daacadnimo iyo karti ah ugu itaal roonneyd oo aaney doorashooyinku habeen ku baaqan.
Dawladdii Cabdirashiid, busaaraddii ay tii ka horreysay ka dhaxashay ayaa madaluufisay, dadkuna qabiilkii uun bay sii xoojiyeen markii ay horumar iyo hawl dawladnimo oo socota waayeen, ileen faqriga iyo qabyaaladdu waa ay wada dhasheen eh.
Aakhirkii waa tii af-gambigu qabsaday ee dimuqraadiyaddii yaraydna digtoonowdu beddeshay. Labadaa dawladdood oo dimuqraadi aan dheef la socon ahaa (nabad bilaa caano ah), waxa ay ku noolaayeen dayn yar oo Bangiga Adduunka laga soo qaado iyo waxoogaa gargaar caalami ah. Dakhli ku filan waligeed ma ay yeelan. Soomaaliduna faqrigaa iyo abaarahaa ayey iskaga jireen.
Dawladda Soomaalidu inta badan ay xooggeeda ku faantaa waa tii 21 sano jirtay ee Maxamed Siyaad hoggaamiyaha aan la dooran ka ahaa. Mashruuc wal oo ay fulisay waxa uu rabo ha noqdo e, waxa uu ahaa dayn iyo caawimo! Bal qalin iyo waraaq qaado oo cilmi baadhis run ah samee si aad jawaabtaada ugu qanacdo.
Dawladnimadu waligeed Soomaali waxba uma aysan tarin, oo waxba kama dheefin. Marka ay ugu badan tahay waxoogaa nabad ah ayey siisaa. Inkasta oo nabaddu gaajo iyo qabyaalad hoosta ku wadato. Waxa se aad maqlaysaa dad u ooyaya shalay, waayo maanta oo aan rajo badneyn ayey arkaan, iyo qorshe la’aanta berri. Markaa in ay is maaweeliyaan eed kuma leh.
Daynta dawladdii Soomaaliyeed ee inqilaabka ku timi lagu leeyahay waxa ay dhan tahay $5.7 billion. Waxa hore loo ga dhaafay $20 billion. Cidda is leh berri ayaad itaal badnaydeen oo magaca Soomalinimo iyo wadajir ku meehannaabaysa waxa aan leeyahay si fiican u baadha taariikhda dawladnimo ee Soomaalida.
Ma jirto taariikhda Soomaalida dawladnimo is kafaysay oo dhaqaale ahaan is bixisay. waligeed dawarro iyo dayn la qaato ayey u ahayd. Haddana waxaas oo maamul gobolleed ah waa weel la rabo in lagu dawarsado. Muqdisho na maqorafaddii ugu weynayd ayey dhegta haysaa!
Waxa se xusid mudan in Somaliland 25 kaa sano ee ay gaarka u taaganneyd dadkeeda iyo dawladnimadeeduba ka raysteen dayn iyo dulsaar meel laga soo qaato. Sida ay doonta ha u luuddo e, iyada ayaa is bixisa oo kharashaadkeeda laabta ku qaadatay.
Wax se aaney wali ka ilbixin ayaa jira oo Soomaali Muxamed la la wadaaggo. Ammuurtaasi waa dawarsigii oo aynnu Soomaalida kale la qabno, taa dawladnimo sax ah oo qorshe fiican oo siyaasi ah leh ayaa laga ga bixi karaa.
Ha la dadaalo labadii masiibo (dayn iyo dawarro) ee Soomaalida halakeeyey mid baynu ka xor nahay, inkasta oo haddii la inna aqoonsado rag aan ogahay maqorafadda inna hor qaadi doonaan. Haddana, wali guul baa la jooggaa mark Soomaalida kale la barbar dhigo ee dadaal ha lagu darro.
By: Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.