Mudaharaado Saaka ka dhacay Suuqyada Magaalada Hargeysa + Shacabka Mudaharaadka Dhigaysa, Waxay Ka Cabanayaan iyo Goobihii Ganacsi Oo Albaabada Loo Laabay + SAWIRRO

0
1463
Suuqyada Magaalada Hargeysa

Hargeysa,(HargeisaPress) —Waxa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay mudaharaado xoogan oo ay dhigayaan shacabka magaalada hargeysa iyo  ganacsatada suuqyada magaalada Hargeysa.

Waxaana mudaharaadkan ay shacabkani kaga soo horjeedaan sixir bararka xoogan ee ka jira dalka isla markaana saameeyey dadkii dan yarta ahaa iyo ganacsatadiiba kadib markii uu kor u kacay sarrifka lacagta qalaad ee Dollarku uuna gaadhay halkii ugu saraysay halka ay hoos u dhacday qiimihii lacagtii Somaliland lahayd ee Shilling Somaliland-ta.

Waxaana saaka hal mar uun dadkii suuqyada kasoo adeegan jirey ay la kulmeen goobihiii ganacsi ee ay ka adeegan jireen  oo albaabada loo laabay,waxaana ay ganacsatada goobaha ganacsi ku haysta suuqyada magaalada Hargeysa ay sheegeen in aanay garanayn qiimihii ay badeecadahooda ku iibinayeen madaama maalinba maalinta ka danbaysay uu kor usii kacayo sarrifka lacagta dollarka uuna hoos usii dhacayo qiimihii lacagta Somaliland isla markaana uu damiirkoodu siin waayay in iyaguna ay maalin kaste kor u qaaddaan qiimaha ay ku iibinayaa badeecadihii qutul daruuriga ahaa loo baahnaa taas badalkeedana ay ku qanceen in ay albaabada u xidhaan goobaha ganacsi ilaa inta xal waara laga gaadhayo sixir bararkan dalka ka taagan.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa suuqyada magaalada Hargeysa ee ay mudaharaadadani ka socdaan kusoo daad gureysay ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-da iyo ciidamada Booliska kuwaas oo  ay ugu talo gashay inay ka hor tagaan mudaharaadadan ay bulshada iyo ganacsatada magaalada Hargeysa dhigayaan.

Ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay ganacsato badan oo iyagu kamid ah ganacsatada albaabada u laabay goobahoodii ganacsi iyo qaar kamid ah bulshada mudaharaadka dhigayey.

Geesta kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Berbera iyo Burco  ayaa sheegay in saaka ay ganacsatada goobaha ganacsi ku leh suuqyada magaalooyinkaasi ay albaabada u laabeen goobahoodii ganacsi waxaana laga yaabaa in saacadaha soo socda ay magaalooyinkaana ka istaadhmaan mudaharaado lagaga soo horjeedo sixir bararkan ka taagan dalka.

Gabagabadiina xukuumadda Somaliland ayaa iyadu ilaa hadda xal u helin sixir bararkan dalka ka taagan iyo kor u kacan maalinba maalinta ka danbaysa ku imanaya sarrifka lacagta qalaad ee Dollarka halka ay hoos u dhacayso qiimihii lacagta Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here