Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo Hay’adda Wild Africa-Fund oo Heshiis Kala Saxeexday

0
662

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa waxaa ay maanta heshiis is-faham la saxeexatay Hay’adda Wild Africa Fund oo ka shaqeysa daryeelka iyo ilaalinta Duurjoogta gaar ahaan Harimocadka.

Waxana ay Wasaaradda iyo Hay’adu ka wada shaqeyn doonaan arrimaha la xidhiidha wacyigelinta duurjoogta iyo ilaalinta Harima-cadka.

Xafladii lagu kala saxeexday heshiiskan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Siciid Xasan Habane, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Wild Africa Fund Mr. Peter Knights.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Wasaaradda u saxeexay heshiiskaas, ayaa sheegay in Ha’yadda Wild Afrika Fund ay isla gaadheen isfaham la xidhiidha sidii loo sameyn lahaa barnaamijyo wacygelineed oo horseeda isbeddel ku wajahan ilaalinta duurjoogta, gaar ahaan Harimacadka.

Agaasime Mustafe Shiine, wuxuu tilmaamay in wacyigelintaas ay ka saacidi doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adda Wild Africa Fund, waxaanu xusay in heshiiskaas wada shaqeyneed uu socon doono muddo sannad ah.

Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Wild Africa Fund Mr. Peter Knights, ayaa isna dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay in iskaashi dhinaca wacyigelinta ah ay la yeeshaan Wasaaradda Warfaafinta.

Wuxuuna iftiimiyay inay ka wada shaqeyn doonaan ilaalinta iyo daryeelka Harimacadka iyo Duur-joogtaba oo ilaalintoodu muhiim u tahay dalka iyo caalamkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here